Dhaqanka Suubaan : Qaybta 1 aad Caqliga by Maxamed Muuse Axmed

Halkan waxaan ku soo gudbinaynaa casharo ku saabsan dhaqanka suuban oo aan ula jeedno wacyigelen iyo saxid qaladaad ku baahsan bulshada oo keeni kara dhibaatooyin fara badan sida cudurro, amaan darro, fakhri, iwm.

ugu horayn waxaan ka hadlaynaa caqliga :


Caqliga  : Caqliga waa xubin muhim ah oo Ilaaheen ku manaystay aadamiga, isagaana u sabab ah in aadanuhu xayawaanka intiisa kale uu  ka sareeyo, iyadoo qaarkood ka badan yihiin, qaar kalena ka xoog badan yihiin.

Caqligu waa hagaha qofka, isagaana keenaya in qofku masuuliyad qaado oo wax la waydiiyo waxa uu xumeeyana loo qabsada, oo hadii aanu qofku caqli lahayn wax la waydiiyo iyo wax loo qabsanayaa ma jiraan aduun iyo aakhiraba.

Caqligu waxa uu  mudan yahay inuu xukumo xubnaha kale ee qofka , taasuna waa tan ay tahay, hase yeeshee waxa dhacda in marar badan caqliga laga qaalib noqdo, taasaana keenta badanaa majara habaw iyo dhibaato qofka saamayn karta noloshiisa cawaaqib xumona u keeni karta.

Caqliga waxa ay isla jaan qaadaan waxyiga ,waana is waafaqaan badanaa, hadii ay dhacdo oo la arko iska hor imaad caqliga iyo waxyiga, taas oo aan dhicin badanaa waxa loo aanayn karaa gaabis inuu caqligu yahay oo aanu gaarsiisnayn arimaha qaarkood oo waxa xadida caqliga meesha iyo waqtiga iyo weliba dhinaanshaha aadanaha laftiisa.

Aafooyinka caqliga:

Caqliga oo aadanaha ilaahay ku manaystay isla aadanaha ayaa u ah cadow oo halkii ay ahayd inuu ka faaiidaysto isagu dhibaateeya. Dhibaatooyinka dad sameega ah waxa ka mid ah:

1.Maandooriyayaasha: 

Maan dooriyaha oo qofka isticmaala u ah maqnaan,mamanaan, marqaan, maskaxmar, ay naftiisu u bogayso una macaansanayso marba marka ka danbeeya ayaa ah dhibaatada ugu wayn ee caqliga la soo derista.
Waana marag ma doonto dhibaatada maandooriyayaasha noocyadooda kala duwani u leeyihiin qofka isticmaala; qofka oo sarqaamana waxa ka suurowda qaladaad keena cawaaqib xumo maadaama ay u sahlan tahay oo caqligii maqan yahay; dembiyada waawayn ee ka dhaca dunidana waxa in badan sabab u ah maandooriyayaasha.
Ahdaafta shariicada islaamka ayaa waxa ugu waawayn ilaalinta caqliga sida ay sheegeen xeeldheerayaasha diinta sidaa darted ayaa khamriga oo ay soo hoosgelayaan wax walba oo maanka dooriya oo caqliga daboola loo xarimay; loona soo rogay xadka maan dooriyaha si loo celiyo mamanaanta daroogadoonista ah ee dhaafta qanaca ka joogista ee dadka u jajaban fariimaha eebe ay uga hereen

2.Caqliga iyo shahawaatka:

Caqliga oo ah xubinta aadanaha ay ku heleen madaxnimada noolaha kale ay ku hanan karaan ayaa waxa ku soo derin kara xaalado uu ka hoos maro bahaaimta .caqliga ayaa ah ka celiya dabrana mamanaanta dareenka ama laab-la kaca ka dhasha rabitaanka aargoosiga, galmoodka ama hamuunta uu qofku qabo,uuna rabo  isagoo qofka miyirka qabaa fiirinayo cirib-dambeedka falalka uu samaynayo.
Bahaaimta oo shahwa leh aanse lahayn caqli iyo malaaikta oo eebe caqli siiyay aanse shahawaat lahayn ayaa aadanuha ka dhexeeyaa oo waxa uu leeyahay caqligi iyo shahwadiiba taaso  la rabo in caqligiisu hogaamiyo shahwadiisa noocay noqotoba(galmada, aargoosiga, hamuunta iwm.) aadanuhuna waxa uu ka dhowaanayaa hadba dhanka uu u bato, hadii shahwadu ka adkaato caqliga bahaaimta ayuu ka hoos marayaa, maadaama aan iyaga wax loo raacaa oo masuuliyad ahi jirin, hadii caqligu qaalib noqdana waxa uu ka kor marayaa malaaiikta oo iyagu aan shahawaatba lahayn ee uun ogol una jajaban awaamiirta eebe.

Hadaba shahawaatka ayaa maanshayn kara caqliga taas oo keeni karta cawaaqib xumo saamaysa bulshada heerarkeeda kala duwan.
Jacaylka maalka madaxnimada iyo haweenka ayaa noqon kara aafo saamaysa caqliga hadii aan loo marin wado sharci ah.

Filo Qaybta Labaad ... Maalmaha Soosocda Haduu eebe yiraahdo

Qore Maxamed Muuse Axmed 
Developed by Jago Desain