Posts

Gabay:Waliimaysta

Waagii beryaa kii'shaluu sii wadacayaaye
Weliba waaxya uu dheeryohoo waafiyaa jira'e
Wareerbaa beryahan muuqda iyo waali caadiyahe

Werwerkiyo walaacay'hayaa waygu weyn yahaye
Waxaa loo walqalay maanta waa waxan la eegayne
Waran kaaga daran weedh xunuu yidhi walaalkaaye
‎.‎
Warkan shalayto Wow iyo kayimi qudhacda Waadeere
Wadhi weeye sheekadatan ay maanta weriyeene
Warraaqahan lasoo qorayi way iga wareersheene
‎ .‎
Waayeel qaldamay baan jiriyo xaaja waaliyahe
Wiil iyo sidii inan yar bay taladi weecsheene
Wadeecowdey teenii ninkaan helin warkaasowe
‎.‎
Weydeeye reeraha kuwii loo wakiishadaye
Waydaarte marinkii wacnaa ama wanaagiiye
Walwaal iyo waxay kula dheceen toggagi waaheene
‎.‎
Waraabuhu ka dhereg oo wataa haada loo wadhaye
Wejigoodu qaaruu gubtoo weecsan baa jira'e
Weecaanta qaarbaa ka jecel roobka kii wacane
‎.‎
Nimanbuu wedkii dilahaa yahay walaalkoode
Wakiilbuu kufriga qaar uyahay una wargeeyaaye
Wayaaniyo amxaarkiyo tigray warar usheegaane
‎.‎
Mawaayeelo ruuxaan caqliga waafi ka ahayne
Ma waantoobo jeer waaberyuu helo wedkiisiiye
Ma weynaado jeer iyo qabriga wiiqa lodhigo'e
‎.‎
Waayihii horoo somarana kuma wax qaataane
Wan'weyn jeer lagawroco indhuhu koruma weecdaane
Waa yaabay aniguye maxaa wiiqay taladeena?‎
‎ .‎
Waxkastoo wanaagihi ragbay wayrax geliyaane
Waxyigii rabigu soojejiyo weyne amarkiisa
Weysadu kuway kaga jabtaa weedh ilaah yidhiye
‎.‎
Watiin iyo ragbay waran'kuyiin weylun iyo ruume
Waddada muuaqaysiyo jidkaa wacane aan hayno
Waxjira duul wadeecaysan'oon waafi la'ahayne
‎.‎
waxjira qaar wisiisiya, anigu maalintaan winno'e =(guul)‎
Qaar baygu wiirsada markaan yarehe wiiqmaaye
Waliimaysata yaaloow walee waydinnaan garane
Developed by Jago Desain