Mashaariicda Bani-aadenimada iyo Hourmarinta ee ay dalbanayso Bulshadda ‎Baargaal

Bulshadda Baargaal dhinaceeda waxay Puntland Development Group (PDG)
ka dalbanaysaa inay ‎noo fuliso Baahiyaha soo socda:‎
I.‎ Kaalmo Biniaadenimo:‎
‎1.‎ Cunto loo qaybiyo dadka saboolka ah ee magaalada iyo tuulooyinka
iyada oo la ‎tixgelinayo talada odayaasha iyo culumada.‎
‎2.‎ Daaweyn loogu deeqo dadka jiran, dadka da'da ah, haweenka iyo caruurta.‎
‎3.‎ In booyado biyo ah loogu deeqo degaamadda baadiyaha ah oo ay
abaaruhu ‎saameeyeen oo biyo la,aanta ah.‎

II.‎ Nabadgelyadda iyo Amniga
‎1.‎ In degmada loo tababaro ciidan booliis ah oo dhan 60 askari
‎2.‎ In ciidankaas booliiska ah la siiyo salab, saldhiga booliiska la
qalabeeyo oo laga ‎shaqeeysiiyo
‎3.‎ In ciidankaas booliiska la siiyo saddex (3) baabuur ay ku
shaqeeyaan iyo qalab ‎isgaarsiin.‎
‎4.‎ In degmada la siiyo boqol (250) askari oo ku biira ciidanka PDG
ama Puntland ‎Marine Forces.‎
‎5.‎ In la dhiso Guriga maxkamadda degmada iyo xabsi lagu hayo dadka
la soo eedeeyo ‎iyo kuwa la xakumoba.‎

III.‎ Caafimaadka bulshada
‎1.‎ In degmada loo dhiso cusbitaal weyn oo baahideeda dabooli kara oo
qalabeysan, ‎takhtarna loo shaqaaleeyo.‎
‎2.‎ In MCH ka Magaalada Baargaal qalabka ka dhiman iyo daawo loo keeno‎
‎3.‎ In Health post loo dhiso tuulooyinka loona qalabeeyo.‎
‎4.‎ In hal baabuur oo ambalaas ah la siiyo degmadda si uu tuulooyinka
uga soo qaado ‎dadka u baahan gurmadka caafimaadka.‎

Iv Waxbarashadda iyo Isboortiga

‎1.‎ In degmadda loo dhiso dugsi Sare oo lagu barto cilmiga
kaluumeysiga iyo hawlaha badda, ‎lana qalabeeyo.‎
‎2.‎ In degmada loo dhiso dugsi sare oo lagu barto cilmiga beeraha iyo
xanaanada beeraha, lana ‎qalabeeyo.‎
‎3.‎ In Tuulooyinka degmada loo dhiso dugsiyo hoose/dhexe, loona qalabeeyo.‎
‎4.‎ In magaalada Baargaal laga aasaaso dugsi tababar xirfadeed
(Vocational Skill Training ‎center) si loogu tababaro dhalinyarada
shaqo la'aanta ah xirfadaha: farayaamo, Tuubiste, ‎dhisme, alxan,
koronto iyo kharqaan.‎
‎5.‎ In macalimiinta skuullada la siiyo gunno xadidan oo la isla garto.‎
‎6.‎ In dhalinyarada degmada loo abaabulo koox isboorti, lana qalabeeyo.‎

V.‎ Loogistics iyo Saadka Ciidanka PDG or Puntland Marine forces

‎5.‎ In hal shirkad oo reer baargaal ah la siiyo qandraaska
loojistikada iyo saadka ciidanka ‎PDG ama Puntland Marines Forces oo
iyadu diyaariso wixii loojistiko iyo saad ah oo ‎ciidanku u baahan
yahay, lagulana xisaabtamo.‎
‎6.‎ In shaqaalaha ama saraakiisha maamulka ee Puntland Development
Group u baahato ‎laga qoro degaanka Baargaal ee aan meel kale laga
keenin.‎

VI Infrastructure

‎1.‎ In naloo dhiso deked yar (Fishing Jetty) loo isticmaalo
kaluumeysiga iyo doonyaha ‎yar yar ee sida badeecadaha ganacsiga.‎
‎2.‎ In degmada Baargaal la siiyo hal Bulldozer
‎3.‎ In naloo dayactiro airport ga Baargaal kaas ay wada isticmaali
doonaan Puntland ‎Development Group (PDG) shirkadaha ganacsiga, NGO
yada maxaliga ah iyo kuwa ‎caalamiga ah iyo dawladda Puntland.‎
‎4.‎ In naloo dayactiro jidka isku xira Baargaal iyo Bosaaso, jidka
Gumaayo, ‎Gamboduufle iyo Gaxandha iyo kan isku xira tageer iyo
Qoraxaad.‎
‎5.‎ In Puntland Development Group ay bixiso Kharajka sahminta
(Feasibility Study) ‎biyaha iyo ciidda dooxadda Daylac.‎
‎6.‎ In shidaal lagu kabo korontada magaalada Baargaal.‎

VII Hab-Dhaqanka iyo Hufnaanta

‎1.‎ In aan la faragelin arrimaha gudaha ama arrimaha u gaarka ah degaanka
‎2.‎ In aan kufsi iyo fraxumeyn lagula kicin haweenka degaanka.‎
‎3.‎ In aan degaanka la keenin waxyaalaha ku xun caqiidada islaamka
iyo dhaqnka ‎fiican ee bulshada Soomaalida, sida khamriga, daroogada,
IWM.‎
‎4.‎ In aan la xadin ama la dhicin ugaarta, macdanta, dhirta iyo ciida
degaanka.‎
‎5.‎ In aan lagu xadgudbin kaluumeysatada degaanka iyada oo lagu
gabanayo ‎burcad badeeda.‎
‎6.‎ In si wadajir ah loola dagaalamo burcad badeeda.‎

VIII Fiiro Gaar ah

‎1.‎ Bulshada Baargaal dhinaceeda waxay dhowreysaa nabadgelyadda iyo
amniga ‎ciidamada PDG ama Puntland Marine Forces, waxayna ku
dadaaleysaa inay la ‎yeelato wada shaqeyn buuxda si loo gaaro
ujeedooyinka heshiiska iyo wada ‎faaideysi oo ku dhisan dareen
masuuliyadeed oo dhab ah.‎
‎2.‎ Hadaba Dawladda Puntland iyo madaxda ciidamada ee saldhiga ka
dhigtay ‎Baargaal waxaa laga codsanayaa inay bulshadda Baargaal u
fuliyaan ‎mashaariicda kor ku qoran oo baahi weyn loo qabo, iyada
bulshadaas ay ku ‎dhacday dib u dhac xagga horumarka ah iyo abaaro soo
taxnaa muddo shan (5) ‎sanno ah.‎
‎ ‎


Guddiga Bulshada Baargaal u wakiilatay gubinta iyo saxiixidda
mashaariicda lagu ‎codsanayo warqadan
‎1.‎ Nabadoon Axmed Salad Cabdiraxmaan
‎2.‎ Nabadoon Maxamuud Caynab Muuse
‎3.‎ Nabadoon Nuur Maxamed Xuseen
‎4.‎ Faax Cali Cabdiraxman
‎5.‎ Bashi Cali ‎Saalax
‎6.‎ Laahi Saciid Maxamuud ‎‎
‎7.‎ Saciid Maxamuud Saciid
‎8.‎ Maxamed Muumin Yusuf
‎9.‎ Cawad Xaaji Cumar
‎10.‎ Abukar Indhacdde
‎11.‎ Cumar Ahmed Cabdirahmaan
‎12.‎ Ducaale Saciid Maxamuud

Fiiro Gaar ah : Nuqul Soo Gaaray Shabakada Baargaal.net  
Developed by Jago Desain