Posts

Somalia iyo Somaliland oo heshiis gaarey

Somalila iyo Somaliland waxay ku heshiyeen iskaashi xagga ammaanka iyo
la dagaallanka argagixisada iyo burcad badeedda.

Waxaa kale oo ay isku af garteen in ay sii wadaan wadahadallada iyada
oo la sheegay in ay Madaxweynayaasha labada dhinac ay kulmaan wakhti
aad u dhow.

Warar xog ogaal ah oo aan laga sheegin shirka ayaa ku tilmaamay in
Madaxwyne Shariif Shiikh Axmed iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed
Silaanyo ay toddobaadka soo socda ay ku kulmi doonaan dalka Isu Tagga
Imaaraadka Carabta.
Waxay labada dhinac ku heshiyeen in wadahadalka ay sii wadaan dowladda
KMG ee Soomaaliya, ama ciddii beddesha, iyo Somaliland.

Waxay isku af garteen oo kale in caalamka ay weydiistaan in la
kordhiyo kaalmada aadminnimada iyo midda horumarka isla markaana ay
iyagu gacanna ka geystaan iskana kaashadaan.Labada wafdi si toos ah
ayay dhexdooda u wadahadlayeen laba maalmood iyaga oo aan ajnebi ku
dhex jirin.Laakiin furitaankii wadahadalka iyo gunaanadkii ayaa waxaa
goob joog ahaa wakiillo ka socda UK oo shirka marti gelisay, iyada oo
ay goob joog yihiin Midowga Yurub iyo Norway oo iyaguna wax ka marti
geliyay wadahadalka.
Wafdtiga TFG waxaa horkacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka,
Cabdisamad Macallin Maxamuud.

Ergada Somaliland waxaa horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr.
Maxamed Cabdullaahi Cumar.
Developed by Jago Desain