Posts

Axkaamta iyo Waajibaadka Soonka Iyo Fadligiisa

Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu
leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa'idadiisa qaaliga ah oo
sanadkii mar na soo marta.
Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay
Abuu-Hurayra A.K.R (Allaha ka raali noqda'e) wuxuu yidhi: "Camal kasta
oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lalaabayaa, halkii
wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab,
Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi: "Soonka mooyaane, soonka anigaa iska
leh, anigaana ka abaal marinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay
hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay" qofka soomani laba jeer ayuu
farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urka
afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga".

Hadaba maxaa u gaar ah bisha Ramadaan?

Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah

Soonka waa tiirka afaraad ee tiirarka Islaamka ruuxii beeniyana waa gaal
Waxaa la soo dejiyey bisha Ramadaan Qur'aanka kariimka
Waxaa sunna ah bisha Ramadaan in la tukado salaada taraawiixda
Waxaa Ramadaanka dhacay dagaalkii badar ee dadka taariikhda aqriyey la
socdaan wacdaradii meeshaa ka dhacday
Sidoo kale bisha Ramadaan waxaa dhacay furashadii nabiga (s.c.w) loo
balanqaaday oo ahayd furashadii Makkah Al-Mukarramah, dadkii reer
Makkana ay Islaamka u soo galayeen iskadaba joog
Waxaa la furaa bisha Ramadaanka albaada jannada, waxaana la xiraa
albaabada naarta iyo shayaadintaba. Laakiinse shayaadiinul insi nagama
maqna (dadka alle ku caasigaroobay)
Marka waxyaalaha aan kor ku soo sheegnay oo dhan waa nicmatullah uu
Alle u gaar yeelay inta rumeysay si ay uga faa'idaystaan khayraadkaasi
faraha badan ee bisha Ramadaan.

Marka la soomayo Ramadaanka

Waxay waajib noqonaysaa in soomo Ramadaanka marka la arko bisha
Ramadaan ama ay Shacbaan ku dhammaato soddon. Waxaana waajib ah in
lagu soomo aragtida hal qof oo muslim ah oo aanan wax fiqsi iyo been
lagu aqoon, laakiin bilaha kale lama aqbalayo wax ka yar la qof oo
Muslimiin ah oo wanaagooda la yaqaano. Lagumana afurayo wax ka yar
argtida bisha ay arkaan laba qof oo Muslimiin caaddiliin ah ama in
bisha soddoonkeesa buuxsamo.

Maxaa la xiriira Soonka

Qofkasta oo Muslim ah waxaa ku waajiba inuu soomo sannad kasta bisha
Ramadaan oo noqota 29-30 maalmood sida Qur'aanka iyo sunnada ku xusan.
Qofkii beeniya faral ahaanta soonka, Islmaaka ayuu kaga baxayaa.
Qofkii afura maalin soon isago haysan cudur daar caqli gal ah, waa
danbiile weyn. Haddii la seego soomidda bisha Ramadaan cudurdaar
la'aan caqli gal ah awgi, ama qofku dayaco inuu soomo waa ku faral
inuu gadaal ka gudo, markii uu awoodi karo, inuu dhakhso iska gudo
baana door roon.

Waamaxay waajibaadka Soonka

Dunida aan maanta ku nool nahay wax walba waajibaad bay leeyihii bal
aan fiirino waajibaadka Ramadaanka waana kuwan

1. Waxaa waajib ku ah qofka sooman inuu ka tago xanta iyo beenta,
xantana waxaa la yiraahdaa in aad qof walaalkaa ah ama walaashaa ah
aad ka sheegto wax uu dhibsanayo haba ahaato

2. tilmaantaa. Namiimnimada oo ah warka loo kala qaado dadka dhexdiisa
oo dabadeedna ay dadkii is dhexmaraan ama ay dhalato fidno iyo fasaad

3. Lacnada (oo habaarida ah)

4. Cayda waa inuu iska ilaaliyo oo aanu afkiisa ka oran eray xun
noocuu doono ha noqdee isla markaana uusa dhageysan, indhihiisa waa
inuusa xaaraan ku fiirin, carrabkiisana uu ka dhowro inuu ku hadlo wax
xaaraan ah, sida beenta ama hadal been ah oo la abuurto. Rasuulkii
Allena isgoo ka hadlaya arrimahan soo sheegnay wuxuu yiri. ("Qofkii
aan iska dayneyn, beenta iyo ku dhaqankeeda Ilaahay dan kama laha inuu
qofkaasi ka tago cuntadiisa iyo cabbiddiisa").

Maxaa Soonka buriya

1. Cunto iyo cabid kas ah, Alle waa naxariiste ka ugu wanaagsan sidaa
daraadeedna qofka hadduu hilmaamo isgoo sooman inuu wax cabo ama cuno
Alle wuu u ogolaaday soonkiisa inuu jira

2. Galmada yacni adiggoo afadaada jaamacdo maalinnimo nooc kasta ha
ahaatee, sidoo kale waa la mid ah manida (shahwada) qofka sooman soo
jeed kaga timaado. Laakiinse waxba kuma jabna inuu nin la fadhiisto
afadiisa, dhunkado waayo tani aalaaba ma keento shahwo laakiinse
haddii uusan qofku hanan karin naftiisa inuu ka dheeraado (afadiisa)
inta maalinnimada ah.

3. Irbadaha iyo faleebooyinka nafaqa sideyaasha ah.

4. haweenka haddii uu ka yimaado dhiig caado ama mid dhalmo 5.
Ismatajin kas ah, haddiise aan la iska keenin soonku kuma burayo

6. ka bixidda diinta Islaamka (riddoobid), Allaa ka magan galne'e

Soonka waajibka ah

Haddii uu qofku nidar ku galo inuu soomo amaba ay tahay inuu soomo
kafaaro gud ahaan dambiyo ka dhacay oo soomid loo waajibeyey, qofkaa
waxaa saaran inuu soomo maalmaha cayiman ee waajibka ah inuu soomo,
haddii aysan maalmahaa cayinayn, inuu dhakso iska gudo baa dhowrsanaan
badan

Soonka sunnada ah

Soonkani waa sunne uu Nabigu (s.c.w) naf ahaantiisu soomay,
Muslimiintana ku booriyey inay soomaan, inkastoo ajar weyni ku jiro,
haddana waajib kuma aha inuu qofku soomo, waana kuwakan soonanka
sunnada ah;

Cashuura- 9ka iyo 10ka bisha Muxarram dago
Soomidda maalinta Carafaad, 9ka bisha xajka, haddii uusan qofku xaaji ahayn
Soomidda maalmaha nayla qaadka (ayaamul bayd) 13ka 14ka 15ka bil dayaxeed kasta
Lix maalmood oo laga soomo bisha Shawwaal (soon fur)
Soomidda isniin iyo khamiis waliba
Siddeedda maalmood ee ugu horreeya bisha xajka (carafo)
Soonka karaahiyada ah

Soonka la soomo oo keliya sabtida, ama axadda, ama jumcaha
Soonka sunnada aha ay soonto haweeney idan la'aan ninkeeda isagoo jooga
soonka isku bixis maalmaha loo soomo iyadoon la afurayn, oo aan kala
goa'lahayn oo loo yaqaan (Wisaal).
Soonka xaaraanta ah

Waa wax reebban inaan soonno maalmaha soo socda

Maalinta ciidda Soonfur
Maalinta ciida Al-Adxaa
Maalmaha hilba waradka (waa 11ka. 12ka. 13ka ee bisha xajka) marka
laga reebo qofka hadyigu waajib ku yahay ee aan heli karin ee ku
soomaya xajka intuusan u laaban ehelkiisa.
Shuruudaha Soonka

Shuruudaha uu ku ansixi karo soonku waa laba noox:

Shuruudaha ansixidda oo ka dhigaya soomidda ansax
Shuruudaha aasaasiga ah oo la doonayo in lahelo la'aantoodana soonku
qofku waajib ku ahayn
Shuruudaha ansixidda iyo aqbalidda Soonka

Inaad tahay Muslim, soomidda qofka gaalka ah ma aha ansax
Inaad tahay daahir (haweenka) waa inay ka yihiin daahir caadada
(xaydka) iyo (Nifaaska) dhiiga la yimaada dhalmada
Inaad niyaysato habeennimada soonka maalinta xigta, niyadduna waa
inaan lagu dhawaaqin, maxaalkeeduna (booskeeda) waa qalbiga. Qofka
walibana gaarkii buu u niyaysan haddiina uusan qofku horay uniyaysan
xittaa haddii uu markaa ka af qabsado oo uu ka joogo dhammaan waxa ka
reebban qofka sooman, soonkiisu ma ansaxayo
Waa inaad tahay qaan gaar; Soonka lagama rabo ilmo aan baaluqin
Inaad garowsantahay faral ahaanta soonka.
Inaad fayowdahay oo aad caafimaad qabto; waa inaad ka maran tahay
tabar darro gaarsiisan heerka ay shareecadu qofka ka cafido inuu
soomo.
Qaybaha sunnada ah ee Soonka

Waa sunno inaad wax cunto ama cabto oogga ka hor (yacni inaad
suxuurato) walow aad qaadato dhowr xabbo oo timir ah ama dhowr kabbo
oo biyo ah.
Waxaa sunno ah inaad dib dhigto suxuunta oo aad qaadato wax yar ka hor
waaberiga.
Waxaa sunno ah in dhakhse loo afuro marka qorraxdu dhacdo, intaan
salaadda la tukan, iyadoon lagu talax tagayn si waqtiga salaadda loo
dhowro
waxaa sunno inaad afurka ku af billowdo timir ama biyo cad Rasuulkii
Allena wuxuu yiri: ("Dadka khayr kama suulayaan inta ay afurka
dedjinayaan suxuurashadana dib u dhigayaan").
Sida aad u billaabayso oo u afurayso Soonka

Waxaa la isugu diyaariyaa soonka suxuurta oo la qaato wax yar ka hor waaberiga.

Nebigu (s.c.w) aad buu ugu dadaali jiray suxuurta oo ahmiyad gaar ah
ayuu siin jirey, wuxuuna yiri: ("Suxuurta cunisteedu waa barako ee ha
ka tegina kabbo biyo ahna ahaatee, sababtoo ah Ilaahay iyo
Malaa'igtiisuba waxay xusaan oo u duceeyaan kuwa suxuurta").

Rasuulku asxaabtiisa wuxuu ku dhiiri gelin jirey inay suxuurtaan,
wuxuuna oran jirey: ("Suxuurta suxuurta barako ayaa ku jirtee").

Haddaba suxuurashadu waa sunno Nebiga ka sugnaatay, waxaana kala saara
soonka Muslimiinta iyo soonka Yahuudda iyo Nasaarada, Muslimiinta way
suxuurtaan marka ay soomayaan, halka aysan Yahuudda iyo Nasaarada ka
suxuuran. Xittaa haddii uusan qofka Muslimka ahi baahi u qabin cunto
waa inuu ugu yaraan qaataa dhowr kabbo oo caano ama biyo ah.

Muxuu qofka soomani ku afurayaa?

Waxaa sunno ah inaad ku afurto Rudub (timir busur yac yacood ah) ama
timirta kale, haddii aad weyfo kuwaas qofku wuxuu ku afuri karaa biyo
cad, sidaas buuna yeeli jirey Nebigu s.c.w.

Anas a.k.r. wuxuu yiri: (Nabigu s.c.w. wuxuu ku afuri jirey dhowr
xabbo oo timir busur ah intuusan salaadda maqrib u soo bixin, haddii
uu waayana wuxuu ku afuri jirey timirta kale, haddii uu waayana wuxuu
ku afuri jirey xoogaa biyo ah.) [Waxaa weriyey At-Titmidi iyo Abuu
Daawuud]

Wuxuu sidoo kale Nabigu ku dhiiriyey asxaabtiisa inay isla sidaa u
afuraa. Timirta guud ahaan waxaa aad looga helaa Jasiirada Carabta.
biyahana sidoo kale waa wax meel walba laga helo, gunta arrintaasina
waxay ahayd inaysan dadku dhib kala kulmin furidda soonkooda oo ay ku
afuraan waxyaalaha guud ee la heli kar. Dhinaca kale timirtu waxay
qofka u kabtaa wixii jirkiisa siin karay tamar iyo xoog. Biyuhana ma
aha wax guud oo keliya ee la heli karo ee waa daahir wax daahiriya.

Biyuhu waxay nadiifiyaan jirka debedda iyo gudahaba. Markii uu qofka
soomani ku afuro soonkiisa biyo qabow oo nadiif ah haraad maalin dhan
ah, waxaa hubanti ah inuu dareemi doono farxad iyo raynrayn iyo abaal
uu u hayo Alle kor ahaaye.

Sidaa oy tahay, ma aha inuu qofku naftiisa tahlukeeyo oo dhibaateeyo
isagoo taqwo u suubanaan u jeeda ee waa inuu ku afuraa waxyaalaha
kale. Waxaa jira wardiyo iyo ducooyin lala yimaado waqtiga afurka ama
dabadi. Wardiga aad la iman afurka kaddib: (Dahabad- dama'u
wabtallatil curuuqu wathabal ajru inshaa Allaah). Oo la macne ah (Waan
oon baxay oo xididadii qoyeen oo haddii Alle idmo ajarku waa sugan
yahay).

Ajarka weyn ee ku jira afurinta qof sooman

Inaad siiso cunto, cabbitaan uu ku afuro qof soomman waxaa ku jira
ajar weyn oo waa sunno nalagu booriyay. Waxay barako u tahay qofka wax
afurinaya iyo kan la afurinayaba xittaa haddii uu ku sadaqaysto
afuriyaha dhowr luqmadood ama hal timir ah ama labo, Nabigu s.c.w.
wuxuu yiri: (Qofkii afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisoo kale,
iyadoon qofkii soommanaa ajarkiisa waxba laga nusqaaminayn).

Arrimo kuu oggolaanaya inaadan Soomin

Waxaa jira arrimo kuu oggolaanaya inaadan soomin, waana sida soo socoto

Inaad ku jirto safar
Inaad tahay bukaan
Inaad ilmo siddo (xaamilo tahay)
Inaad ilmo nuujineysida
Da' iyo tabar darro daran inay ku heyso gaarsiisan heerka lagu
rukhsadeeyo afurka.
Inaad mashaqo kala kulanto soonka halis la hubo gelineysa naftaada.
Xaamiladda iyo nuujisadu hadday u baqaan ilmaha ay nuujinayaan ama kan
caloosha ku jira way u bannaan tahay inay afuraan, wayna qallaynayaan
soonkii, waxaana ugu wanaagsan inay qalleeyaan sida ugu dhaqsi badan
ee ay karaan, waxayna bixinayaan oo qallahooda raacinayaan quudin
miskiin intii ay afureen (ama siin qadar in dhan kiilo iyo bar oo
bariis ama galley ah, ama mesego, iwm, miskiin maalintii, sidaa awgeed
haddii ay afureen bishii oo dhan waxay bixinayaan jawaan bariis ah,
ama wax la mid ah oo 45 kiilo ah iyagoon qalleynayana soonkii).
Laakiin haddii ay naftooda u baqaan way afurayaan kaddibna waxay
qallaynayaan soonka markay awoodaan sida ugu dhakhso badan, quudinna
lagama rabo.

Qofka da'da ahi ee aan karin soonka wuxuu quudinayaa maalin walba oo
soon ah. qof waxaa isna sidaas oo kale ah kan jirran oo qaba cudur aan
laa rajo qabin ka bogashadiisa.

Xaaladda qofka loo rukhseeyey inuu soonka jebiyo

Qofka waa loo oggol yahay inuu soonka jebiyo haddii jirro ku soo
booddo, ama shil galo iwm. oo qofka xaalladiisu halis tahay.
Qofka waa loo oggol yahay inuu jebiyo soonka haddii cudur kaasi aanu
khatar ahayn, hase yeeshee halis noqonayo haddii aan soonka la furin.
Qofka waa loo oggolyahay inuu Soonka jebiyo haddii uu la kulmo gaajo,
haraad daran oo ka baqo in wadiddiisa dhib ka imaanayso.
Faa'iidooyinka soonka

Faa'iidooyinka ssonka waxaa kamid ah qofka inuu ka barto sabar, iyo
inuu taqwo ka korarsado
Waxay kaga faa'iidaysan karaan walaalaheen Muslimiinta ah ee sigaarka
iyo qaadka ku ibtileysan iska daynta waxyaalaha xun, ayna ogaadaan in
Alle dartiis qofkii uga taga shay xaaraam ah in Alle ugu beddelo wax
ka qayr badan
Waxaa kaloo uu leeyahay soonku faa'iidooyin bulsheed oo ah inay
dareemaan midnimo iyo inay jeclaadaan caddaaladda iyo sinnaanta
Waxaa kaloo soonku leeyahay faa'iidoooyin caafimaad ah sida inuu
daahiriyo caloosha iyo xiidmayaasha iyo jirkaba, wuxuu ka fududeeya
qofka culayska cayilka, baruurta
Waxaa kaloo ka mid ah faa'idooyinka soonka qofka qaniga ah wuxuu
ogaanayaa qaddarka Nimcada Rabbi siiyey oo aanay haysan qaar badan oo
fuqaro ah.
Isha maqaalka aflax.net
WAXAA QORAY: cabka50@hotmail.com….
Developed by Jago Desain