Posts

Gaalkacayo: xeer ilaaliyihii maxkamadda gobolka Mudug oo xalay la diley

Magaalada Gaalkacayo waxaa xalay lagu diley xeer ilaaliyihii
maxkamadda gobolka Mudug.

Xeer ilaaliyaha oo lagu magacaabi jirey Bashiir Cabdi Maxamed (Garas)
waxaa la toogtey fiidnimadii xalay.

Marxuumka oo xiligii la diley marayey jidka Airporta ayaa kusii jeeday
gurigiisa oo halkaas aan wax badan ka durugsaneyn.

Lama oga cidda dilkan geysatey mana jirto cid ay ilaa iyo hadda
ciidamada Boolisku falkaas usoo qabteen.

Haseyeeshee gudoomiyaha Mudug oo markii uu dilkaasi dhacay kadib
warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Boolisku ay wadaan baaritaan
xoogan oo lagu raad goobayo dadkii dilka xeer ilaaliyaha ka danbeeyey.

Bashiir Cabdi Maxamed (Garas) oo horay uga tirsanaan jirey maxkamadda
denbiyada culus waxaa xilka xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka Mudug
loo soo magacaabay sanad kahor.

Dilkan ayaa imaanaya xilli todobaadyadii u danbeeyey ammaanka
magaalada Gaalkacayo uu ahaa mid aad u wanaagsan.

Baargaal Radio ... Ka dhagayso wararkii ugu danbeeyay
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain