Sawir Dhaqdhaqaaqaya " Nin Gar Yiri Ma Tacadin "

# Ilaa iyo markii ay isaga Baxeen Ragii Xareed Ciise Cumar iyo Dooxajoog waxaa soo ifbaxaya qorshaha ay Nimankaasi La Damacsanaayeen bulshada Degmada Baargaal Ku nool iyo deganaasho la'aanta, bur-burka iyo colaad beeleed ka dhex dilaacda dadka wada dega degaanka , laakin horaa loo yiri " God walaal Ha qodin , hadaad qodana ha dheerayn , Ku dhici doontaana Mooyee "


# Caluula waxaa Ka furmay shir La Rabo in Lagu Xaliyo Dilkii Xildhibaan Bile Alaha u naxariistee , si arrintaas loo xaliyo waxaa La sugaayaa Guurtida Halkaasi isugu Tagay in Go'aan adag la gaaro oo aan marnaba Xaqiiqada jirta meel looga leexan


# Mar haddii ay caddaatay in Casayrland ay lahayd abtir lagu garto nasabkeeda iyo cidda curisay , waxaa is weydiin mudan sidee baa loogu abtrin doonaa , maxayse Taariikhdu ka qori doontaa ?


# Xaqa Aan Ku leenahay Jubooyinka , maahan oo kaliya 500-ta qoys oo macalin dhiblaawe iyo Haashim Tuni ah oo Faarax dooxjoog ku sheegay degmada Baraawe.


# isu dheelitirka qadiyadda aayo ka tashiga dadka Degaanada Baargaal Iyo caluula waa arin ku dhisan , tixgalinta Maamulka Jira , iyo waliba xuquuqaha Beelaha Nala Degan waana arrin ku xiran maskax degen, qaangaar ah, waayo arag ah , dublamaasi ah .


# dad badan oo Kamid ah Bulshada Calbari ayaa waxay todobaadkan aad uga war dhowri doonaan, islamarkaasina si taxadar ku jira u dhagaysan doonaan , qodobada kasoo baxa shirka walaalheen Caluula uga socda oo la rabo inuu Dhayo dhaawac dadka walaalahaa kala gaaray kana saaro shaki badan oo ay ka qabaan sida wax loo wado .


Oraahda Todobaadka :
naa waa hawoo lama daayee maxaad dhashay? Waa hunguri oo lama daayee maxaa dabka kuu saaran? Oo waa hadal oo lama daayee maxaa reerkii galay?"


Shabakada Baargaal.net
Faalooyin ka tarjumaaya Xaalada Degaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain