Sheekooyinkii Cigaal Shidaad



Cigaal shiidaad cigaal waxa uu ahaa nin xigmad badan oo fulayna lagu xanto.waxa uu ahaa fulay laakiin xigmadi ku jirto oo ilaa hada soomalidu way isticmaashaa hadaldiisii ama maah maahihiisii.

matalan marka qof uu doonayo in qof ay saaxiib ahaayeen oo xumeeyay uu u maah maaho waxa uu soo qaataa maahmahdii uu bixiyay cigaal ee kurtinka somaliduna sidaan soo sheegnay ilaa hada aad ayay u isticmaashaa maah maahaha cigaal

qaar kamida hadaladii Cigaal

igaal oo degan meel miyi ah oo magaalada u dhow ayaa goor barqo u socdaalay magaalada wuxuuna qaatay ul iyo wayso markii salaadii duhur ay soo gashay ayuu fadhiistay si uu u waysaysto waysadii dhinaca bidix ayuu iska dhigay ushiina dhinaca midig markuu waysadii isyidhi bilow ayuu waysadii mooday bahal intuu ushii si degdeg ah u qaatay ayuu waysadii ku dhuftay waayo wuxuu mooday bahal wuxuuna yidhi ( way nagaranaysaa oo nagaadaysaa)


Cigaal iyo Col

cigaal ayaa maalin asagoo gurigiisa joogo loo sheegay inay col usoo socdaan
markaasuu xaaskiisii ku yiri naayaahee waan is aaseyaayee igu dul ooy markeey u yimaadaan iyadoo ku dul ooneeysa u markaasey yiraahdeen maxaa ku dhacey , uma ay jawaabin iyadoo oo hintii siiwadata ayuu cigaal qabrigii ka yiri NAA SHALUU GO,AY DHeh.
Markaas ayay colkii u socday inay dilaan iska laabteen sababtoo ah waxay is dhaheen kan dabaal waaye ee maxaa ka dilaysaan

Cigaal iyo Wiilkiisii

cigaal baa maalin asagoo gurigiisa hortaagan oo sita waran af badan baa waxaa ku soo guurguurtay wiil uu dhalay oo aan sanad gaarin oo afar fool kaliya leh markasuu cigaal baqay wiilka afka ku soo taagaya ee ku soo socda (ilaa waa aabihiise)cigaal naagtiisii buu ku yiri naa iga qabo afar foolaha rag la iskuma sii daaya oo gadaal gadaal u cararay naagtii inuu la ciyaarayay mooday oo kaftan bay u qaadatay oo way iska qososhay goortuu arkay inay qoslayso buu warankii la baxay oo ka madaxa ka taagay lol.. hadde maxaa dhacay wiilkii bartii buu ku takhalusay....

Cigaal iyo Naylo

Waa cigaal oo meel gurigiisa udhow jooga goor barqo ah, waxaa kusoo facleeyey naylo ama ubad badan si xoog lehna ugu yaacaya dhinicii guriga, haddee Cigaal saad kutaaqaaniinba maaha nacas ay taladu ka hoos baxdee, waxuu isyiri alaylehe balada kuwaan dabada kawada yay ku haleeline kagaarsii oo baxso, markaasuu naylihii hor cararay asagoo tafta haysta oo oo si xoog leh u neeftuuraya, waxaa arkay dadkii guriga joogay oo fahmay inaay maanta Cigaal maalintiisii tahay ayaa su'aashaan waydiiyay, "war maxaa kugu dhacay Cigaal?", wayna ku qosleen, Haddee ma Cigaalbay ka gar helin? waa nin aftahan ah oo sida la isu furdaansho kusoo takhasusay, waxuuna ku jawaabay. "war kunaas madaxa madow waxay kasoo dideen baan kasoo diday". Asagoo tilmaamaya inuusan talada baqashada uusan kali ku ahayne ee uu lawadaago kun naylood oo ayaguba isku raacay in gurigii laqabto intaan ladaba goosan.

Cigaal oo isku xaaray

cigaal baa habeen safrey oo wuxuu aadey reero ay qaraabo ahaayeen, waxay ahayd meeshu baadiye oo mugdi ayey aheyd dayaxna majirin.Markuu cabaar socdey ayuu shakiyey oo waxuu Dudumo u maleeyey bahal! markuu waxyar meeshii taagnaadey,oo uu arkey waxa madow ineynba nuuxsaneyn ayuu carar cagaha wax ka dayey isagoo u cararaya gurigiisii!!!waxuu kuwdhawaaqey, naa ooda iga rog! naa ooda iga rog!...naagtiisii inteynanba fursad ay albaabka uga furto helinba wuu jiirey iyadii iyo oodiiba! ........cabaar markuu nastey oo naaagtiisii wareysatey ayey mardambe waydiiseey, Cigaal maxaa kaa soo uraaye? cigaal baa uga jawaabey: naa daruur quruntey baa nagu da,dey!!!.............hahahahahaha,..........lol cigaal fulaynimo ayuu isugu xaaray.

waxaa la odhan karaa sheekooyinka cigaal shiidaad waa kuwo caalami ahaan la tartami kara sheekooyin caalami ah, sida sheekooyinka caalamiga sheekooyinka cigaal shiidaad waxa ay ka mid yihiin sheekooyinka dhaqanka u ah umada somaliyeed isla markaasna ay umada somaliyeed hida ahaanta u leedahay laakiin ku dhaw in dhawaan lawaayo.

waar armay nagu daraan inkaar qabaha

Sheekadii cigaal (WAR AMAY NAGU DARAAN INKAAR QABAHA)
Wiil uu cigaal shidaad adeer u yahay ayaa ladilay markasaa waxaa ay dhaheen tolkisii aanu ka soo aarsano oo usoo aarno willkenii. Cigaal shidaad ayaa loosheegay inay ragu ku tala galeen inay usoo araan wiilkii uu adeerka u ahaa markasuu cigaal wuxuu isleeyahay isagoo isla hadlaya, " war inkaar qabaha amay nagu daraan anagana" sidii baa dagaal loogu diyaar garoobay.
Cigaal wuxuu ahaa ninka raga ugu geesisan sida sheekada ka muuqata, raga geesiyada ahna fardaha kuwa ugu dhereeya ayaa lasiin jiray.

waxaa dhacday in cigaal faras dhereeya lasiiyo. waxaa dhacday faraskii inuu dadkii oo dhan kala dhexbaxo cigaal oo saaran ileen fardaha oo dhan ayuuka dhereyaa. cabaar markuu ka hormaray dadkii oodhan ayuu cigaal shidaad is yiri " war balaayadu amuu col iila galaa dhereyaa"
hal marbuu iska tuuray faraskii oo gurigii dib oogu soo laabtay.
dadkii ayaa wareestay oo yiri "CIGAAL MAXAA DHACAY SOTAAD DAGAALKII KA QAYBGASHAY MA AHAN" Cigaal wuxuu ku jawaabay " waalaisku baa ba'ayoo faraskaygii waa dhintay manta waranbaa caloosha ka soo riday" sheekadii isagoo wada ayaa farayskii soociyay oo guriga gasadiisa soo sitaagay, markasay dadkii dhaheen faraskii Cigaal shidaad waa kanaaa. inta isla hadlay ayuu yiri "sharafta alla kaa qaad, muusugo intaan hadalka dhameenayo"

Shabakada baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain