Baargaal oo si weyn looga xusey munaasabada 14 guuradii ka soo wareegtey aasaaska Puntland

Degmada Baargaal ayaa si weyn looga xusey munaasabada 14 guuradii ka
soo wareegtey aasaaska Puntland iyadoo dadweyne aad u tiro badan ay ka
soo qeyb galey dabaal dagaasi oo siweyn loo soo agaasimey.

Meel Fagaare ah ayaa lagu qabtey xaflad aad u ballaaran oo ay ka
haldeen masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahayeen Masuuliyiinta
Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal ,Masuuliyiinta Ciidamada PMF
,Nabadoono , Masuuliyiin u hadashay ururada Bulshada , ururada
dhalinyarada , ururka barakacayaasha iyo dhamaan qaybaha kale ee
bulshada

Xafladaas sida heerka sare ah loo agaasimay ayaa ku bilaabatay
gaadakaciyaar ay sameeyeen Ciidamada police-ka iyo Ciidamada Badda
Puntland oo ku maray qaybo kamid ah magaalada , sidoo kale ururada
Dhalinyarada oo uu hogaaminaayay ururka dhaqdhaqaaqa horumarinta
Arimaha Bulshada (ACDO) , ardeyda iyo hooyooyinka oo dhar bilicsan
qaba ayaa iyaguna socod ku maray Fagaraha kuwaas oo sitey boorar kala
duwan oo ay ku qoran yihiin erayo lagu waynaynaayo Maalinta 1 August .

Masuuliyiintii halkaas hadalada ka jeediyay ayaa Hambalyo u diray
bulshada degaanka iyo Dhamaan shacabka Puntland , kana waramay
ahimiyada maalintan u ledahay umada puntland , ayagoo islamarkaa
dadwaynihii kasoo qayb galay xafladaa ku booriyay in ay xooga saaran
nabada iyo midnimada
























Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain