Posts

Dawlada Ethiopia oo xaqiijisay geeriada Ra’isul-wasaare Mele

Raysalwasaarihii dalka Itoobiya Males Zenawi ayaa dhintey kadib markii
uu xanuunsanaa muddooyinkii u danbeeyey, waxaana uu ku dhintey
Isbitaal ku yaala magaalada Brusseles ee dalka Biljimka.

Males Zenawi oo da'diisu ahayd 57 jir ayaa lagu wareersanaa xaaladiisa
caafimaad iyo halka uu ku sugnaa muddooyinkii u danbeeyey kadib markii
xaalad caaafimaad darteed loogu soo qaadey Dalka Biljimka.

Bishii July ayey ahayd markii xukuumadda Itoobiya qirtey in xaalad
caafimaad darteed Males loogu qaadey dalka dibadiisa waxayse sheegeeen
in xaaladiisu tahay mid aan khatrar ahayn.

Males Zenawi ayaa awooda dalka Itoobiya gacanta ku hayey tan iyo
sanadkii 1991, markaas oo jamhadii uu hoggaaminayey ay dalka ka
saartey hoggaamiyihii shuuciga ahaa Menigistu Haile Mariam.

Telefishanka dalka Itoobiya ayaa sheegey in Raysalwasaare ku xigeenka
ahna wasiirka arrimaha dibada Hailemariam Desalegn uu hoggaamin doono
xukuumadda.

Meles Zenawi ayaa ku dhashay May 8, 1955 Adwa Waqooyiga Ethiopia
waxana uu waxbarashadiisii hoose ku soo qaatay Queen of Sheba Junior
Secondary School waxana uu dugsiga sare dhamaystey 1972 General
Wingate School ee magaalada Addis Ababa.
Meles ayaa markaa kadib ku biirey jaamacada Addis Ababa kulliyadeeda
Caafimaadka muddo labo sano ah, balse markii danbe joojiyey
waxbarashadiisii sanadkii 1974kii isagoo ku biirey jabhadii la oran
jirey Tigrai Peoples Liberation Front (TPLF).

Ato Meles Zanaawi ayaa sanadkii 1979 loo doortey inuu xubin ka noqdo
hogaaminta TPLF,isagoo sanadkii 1983 ka mid noqdey gudigii fulinta ee
jabhada.

Males Zenawi iyo xukluumadiisi Itoobiya ayaa ahaa kuwo faraha kula
jira xaaladda Soomaaliya, mar walbana door ay dantoodu ku jirto ka
ciyaarayey, waxaana dhimashadiisu ku soo aadeysaa iyada oo ciidamada
Itoobiya ay ku sugan yihiin meelo ka mid ah Gobolada Hiiraan iyo Baay,
sidoo kale dhimashadiisa ayaa ku soo geebmnaysa xili maalintii shalay
markii u horeysey Soomaaliya ay yeelato Baarlamaan rasmi ah.
Developed by Jago Desain