Posts

Caqabadaha ka hor iman kara Dowladda cusub iyo sida looga gudbi karo. W/Q Cabdirisaaq Cawaash Beeldaaje

Caqabadaha ka hor iman kara Dowladda cusub iyo sida looga gudbi karo.
WQ Cabdirisaaq Cawaash Beeldaaje

Waxay Soomaaliya soo martay keligii taliye iyo xukun askareed
baabi'iyey jamhuuriyadii Soomaaliyeed, laayay umaddii Soomaaliyeed, oo
burburiyey magaalooyinkii waa-weynaa qarkood. Waxaa labaatankii sano
oo ugu danbeeyay aragnay qab-qab layaal dagaal iyo siyaasiyiin qabiil
oo baabi'iyey intii ka hartay hay'adihii qaranka, shacabkii
soomaaliyeedna kala dhex dhigay colaad iyo qabyaalad. Waxaa kale oo
aan aragnaa kuwo sheeganaya wadaado oo diinteena Islaamka u
isticmaalay in ay unoqoto aalad siyaasadeed oo aan wax naxariis ah
lahayn, Waxaa kaloo aragnay 12 sano oo dowladdo kumeel gaar ah oo lagu
soo dhisay dalal kale, waxaa kaloo aragnay faragalin shisheeye oo nooc
walba leh.

Intaa iyo in ka badan oo dhib ah iyadoo lasoo maray ayaa Shacabka
soomaliyeed soo gashay hididiilo wanaagsan markii UNka go'aansaday in
ay Soomaaliya ka baxdo Dowlad kumeel gaar ah ayna yeelatto(Somalia)
dowlad dhamaystiran oo la aqoonsan yahay, heshiisyo caalami ahna gali
karto. Intaa ka dib shacabka soomaaliyeed waxaa soo gashay rajo ah in
ay mar qura arkaan Dowlad soomaaliyeed oo aan kumeel gaar aheyn, madax
caadila oo daacad ah, karti hogaamiyeedna leh oo kasamata bixiya
dhibaatooyinkii faraha badan ee uu dalka soomaray mudadii burburka.

10 September 2012 waa maalin taariikhi ah, waa maalin umadda
soomaaliyeed ku wayn, waa maalintii uu dalka (soomaaliya) yeeshay
Dowlad aan kumeel gaar aheyn, inkastoo ee weli doodi ka taagan tahay
in laga baxay Dowlad ku meel gaar ah iyo inkale maadaama Dastuurka
dalka uu yahay mid ku meel gaar ah oo afti dadwayne aan weli
looqaadin. Waa maalin ay dhacday sidii lafilayey si aan aheyn, waa
maalin ay isbadashay saadaal siyaasadeed kasta, waxaa ladoortay Xasan
Sheekh Maxamuud oo ah aqoon yahan, leh taariikh wanaagsan…

Intaan u galin cinwaanka qoraalka aynu marka hore fahanno ereyga
layiraahdo Khilaaf(Conflict), waa maxay Khilaaf? Maxaa sababa khilaaf?
Side looga hortagi karaa khilaaf?... malahan qeexid gaar u ah erayga
khilaaf, Aqoonyahan waliba qaab gooni ah buu u qeexay laakiin fahanka
guud ayaa laga wada mideysan yahay, Hadaba waa maxay khilaaf?
Khilaaf(conflict) waa isburin u dhaxeysa kooxo ama shaksiyaad kala
wata ama kala taageeraya dano gaar ah, ku kala duwan ra'ayiga,
rumaysnaanta, hadafka, fikrad siyaasadeedka iyo fahanka, khilaafku waa
wax aan sinna loo joojin Karin ama ay adag tahay in laga hortago
maadaama uu yahay qayb ka mid ah nolosheena.

Khilaafka waxaa sababa noocyo badan laakiin waxaa ku soo koobayaa
afartan qodob oo kala ah: a) Khilaaf uu sababay muran dhaqaale,
khilaafka noocan ah aadbay ufududahay in laxaliyo maxaa yeelay waa
la'arki karaa dibbaana looqaybin dhaqaalihii muranka keenay ama laysku
qabsaday.

b) Khilaaf ka yimmaada maskaxda iyo fekerka qofka kaasoo saameyn ku
yeesha koox ama shaqsi ayna adag tahay in laxaliyo maxaa yeelay maaha
mid la arki karo. Wuxuu saameeyaa maskaxda.

c) Isburin sida kala aaminsanaan fikrad diimeed ama diimo, fikrad
siyaasadeed iyo kala taageerid kooxo ama shaqsi, khilaafka noocan ah
aadbay u adag tahay in laxaliyo maxaa yeelay had iyo goor waxaa
arkaysaa shaqsi ama koox u dhimaneysa waxa ay aaminsan yihiin. Tusaale
ahaan isburin diimeed ee soomaliya ka taagan iyo caalamka, iyo fikrad
kala duwanaanshaha siyaasadeed taasoo keenta in shaqsi is qarxiyo ama
isdilo.

d) Khilaaf ku yimmaada Xog ama Warbixin qaldan oo ka yimmaada Heyadaha
Sirdoonka, Saxaafadda, waxaynu manta aragnaa halka ay saxaafaddu ka
mareyso caalamka iyadoo kala taageeraysa kooxo kala aragti ah sida
diimaha iyo fikrad siyaasadeedka taasoo keeni karta dhibaato aad u
baaxad wayn, tusaale ahaan Sanadkii 2003 dowladda Mareekanka waxay
dowladda qadar ka codsatay in laxiro Aljazeera ama Mareekanku uu
burburiyo xarunta Aljazeera ee Doha, maxaa yeelay Aljazeera waxay soo
bandhigtay xad gudubyadii Mareekanka uu ka geystay dalka Ciraaq, waxaa
kaloo jira websiteyo farabadan oo soomaaliya ka jira kuwaasoo ka
qaybqaata hurinta colaada.

Hadaba su'aasha ugu dambeysa ee ah sidee looga hortagi karaa
Khilaaf(conflict), Aqoonyahanada caalamku aadbay ugu kala duwan yihiin
sida looga hortagi karo Khilaaf maxaa yeelay qaarbaa aaminsan in aan
laga hortagi Karin khilaaf maadaama nooc waliba uu udhici karo, sida
Dooda, Tartanka, Fikradda, Dhaqaalaha, Isburinta, Fikrad kala
duwanaanshaha Diimaha, Siyaasadda, ama kala taageerid kooxo
siyaasadeed ama diimeed, iwm. Qaar kale waxay aaminsan yihiin in laga
hortagi karo khilaafka maxaa yeelay bini'aadamka waa qaldammaa laakiin
waa isasaxaa ama waa lasaxikaraa, waxay leeyihiin in la ogaado marka
hore maxaa sababay khilaafka, ka dibna la raadiyo xal, inlahelo
cadaalad, is aaminaad, dhexdhexaad, ka hortagid marka la arko in
khilaaf soo socdo iyadoo lamarayo hab looga hortagi karo, sida
diblomaasiyad iwm ah.

Caqabadaha soo wajahi kara dowladda cusub aadbay u fara badan yihiin
laakiin anigu waxaa ku soo koobayaa dhowrkan qodob oo kala ah:

Amniga oo ah caqabada ugu horreysa ee ka hor imankarta xukuumadda
cusub maadaama dal burbursanaa 21 sano oo aan ka jirin wax kala
dambeyn ah, Gobolada qaarkood aysan ku jirin gacanta dowladda, waxaa
kaloo jira heyadahii amniga oo daciif ah sida booliiska, maxakamadaha,
iwm, Faqriga iyo Cudurada waa caqabad wayn oo amniga wax u dhimi kara,
dad sabool ah beynu nahay, oo weligeed iyo allahood gaajo iyo abaar ay
wejiga ka saaran tahay. Dadka sidaa qarka ugu nool, in yar haddey
arrintu ka xumaato, oo ku tiirsan roobkaa yar ee Ilaaheey keenay iyo
beer yar oo wax lagu rido ku nool beynu nahay, marka aadbay ufududahay
in looga faaiideysto howlo amniga wax u dhimi kara.

Awood qaybsiga waa caqabad saamayn wayn ku yeelan doonta howlaha
dowladda waxaa wax lagu qaybsaday hab aan xalaal aheyn oo layiraahdo
4.5 taasoo horseedi karta isqabqabsi iyo ku tagrifal awoodeed. Buuqa
ugu wayn wuxuu ka taagan yahay reerkii qaadan lahaa Raiisulwasaaraha
inkastoo xildhibaanada qaarkood ee ku doodayaan in haddii beel hebel
lasiiyo ee kala noqonayaan kalsoonida Madaxwaynaha.

Dastuurka Qabyo qoraalka oo ay weli doodiisa taagan tahay maadaama
qodobo ku jira Dastuurka ee ka hor imanayaan diinteena Islaamka iyo
jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Awoodaha Madaxwaynaha iyo Raisulwasaaraha oo aan kala qeexnayn sida ku
cad dastuurka. Waa caqabad ay adkaan doonto in xal loo helo maxaa
yeelay maynaan gaarin biseyl aynu ku qaadan karno Raiisulwasaare iyo
Madaxwayne isku awood ah, waxaynu aragnay is qabqabsi hareeyey
dowladahii KMG kaasoo ku saleysnaa awoodaha Madaxwaynaha iyo
Raisulwasaraha.

Musuqmaasuq oo ah caqabad ballaaran oo soo wajahi doonta xukuumadda
haddii aan loo helin xal looga hortagi karo, dowladdahii KMG waxaa la
haray waa musuqmaasuq oo nooc walba leh, sida is daba marin
maaliyadeed, ku tagrifal awoodeed. Musuqmaasuqu waa cudur baabi'iya
heyadaha dowladda kaasoo horseeda burbur iyo kala dambayn la'aan.

Faragalin shisheeye oo ka imaneysa dowladaha dariska ah sida Kenya,
Ethiopia iyo Amisom iyo dowladaha deeq bixiyayaasha ah taasoo horseedi
karta Boob dhaqaale iyo faragalin howlaha dowladda sida ku
luglahaanshaha amniga, garsoorka iyo awood qaybsiga dalka, maxaa
yeelay waxaynu nahay dad ku tiirsan Deeqaha caalamka bixiyo.

Caqabadaha ka hor iman kara Dowladda cusub aadbay u farabadan yihiin
sidi aan horay u sheegay in laga gudbo waxay ku xiran tahay
barnaamijka dowladda oo tijaabo u ah waxqabadka gudaha iyo iskaashiga
caalamka sida wax looga qabto, waa in xukuumaddu ay ka go'an tahay u
adeegidda dalka iyo dadka si daacadnimo ah, In lahelo barnaamij
siyaasadeed horseedi kara jawi nabad galyo, dhaqaalaha waxaa miftaax u
ah siyaasadda haddii ay kaa murugto siyaasadda, oo ay markaa dagaal,
xagasho, burbur, guryihii dowladda iyo wixii oo dhan la baabiinayo,
dhaqaalihii ma dhaqaaqayo, lacagtiina wey baxsanaysaa. Adduunyada oo
dhan bal eeg, meeshii ay nabadgelyo jirto oo dowladdu ay shaqeynayso
ayay lacagtuna tagtaa oo ay joogtaa in badan.

Waa inaynu garanno; in rasaas, toorri, waran, bud iyo dhagax la tuuro,
wax allaale waxay dhisaysaa inaysan jirin. Haddii gurigaaga laguugu
yimaado oo naftaada keen lagu yiraahdo waa inaad is daafacdaa, laakiin
ummad inaan lagu dhisi karin violence waxaa noo macneeyey Nelson
Mandela, waana inaan taa fahannaa haddaan Soomaali nahay.

Abdirisak Cawaash Beeldaaje
awashc@gmail.com
Kampala/Uganda
Developed by Jago Desain