Posts

Hambalyo hambalyo loo soo tebinayo Madaxweyne XasanSh. Maamuud

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Switzerland oo si weyn u soo dhoweyay
u na hambalyeynaya Madaxweynaha Cusub Xasan Sh. Maxamud.

Waxan si kal iyo laab ah ugu tahniyadeyneynaa u na soo dhoweyneynaa
madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed prof.
Xasan Sheekh Maxamuud, waxan na la garab taaganahay taageero buuxda oo
daacad ah. Waxaa ididiilo iyo rajo weyn na geliyay sida wacan oo ku
saleysan demoqaraadiyayda iyo dareenka soomalinimo ee loo soo dortay
madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa bulshada soomaliyeed ugu riyaaqeen u na
soo jiitay shakhsiyadda hufan iyo taariikh nololeedka prof. Hasan oo
lagu tilmaamay qof ka hufan waxyaalihi foosha xumaa ee waayahan ka
dhacay Soomaliyeed.

In kasta oo aan u baranay in muddo dheer dhagahayaga ku soo dhacaan
war naxdin leh oo naga soo gaaraya wadanka, dhowrkii bilood ee la soo
dhaafay waxan maqleynay oo la soconay war loo riyaaqay oo rajo weyn
iyo ididiilo na geliyay, sida shirkii Isimada iyo guddiyada lagu
ansixinayay tastuurka, soo xulitaanki xildhibaanada, doorashadii
gudoomiyaha barlamaanka iyo ku xigeenadiisa, iyo habkii taariikhiga
ahaa ee loo soo doortay madaxweynaha. Intaas oo dhan ayaa guud ahaan
bulshada u wada riyaaqeen, si wadajir ah na u soo dhoweyeen.Waxan u
rajeyneynaa madaweynaha iyo barlamaanka iyo guud ahaan bulshada
Soomaaliyeed guul iyo nabad.

Fikradaya sida looga soo kabsankaro masiibadi ku habsatay Soomaaliya
Waxaa haboon in la isweydiiyo marka xil ka saaranyahaybadbaadada
wadankan burburay?Waxaa soomalidu caado ka dhigatay in madaweyne iyo
barlamaan la doorto oo hawsha looga hadhiistooo aan la taageerin.

Haddii la doonayo in burburka iyo baabaaSoomalidu ku jirto laga soo
kabsado waa in qaybaha ilku saaranyahay laga helaa wada shaqeyn joogta
ah.
Qaybaha xilku saaranyahay waa :

1. Ugu horeyn waa bulshada Soomaaliyeed oo dereenki wadaninimo ka
maqanyahay, qabiil iyo qabqable na u horseedeen halaag iyo habow.
Halaagi iyo burburki la soo dersay Soomaaliyaa 22 sano ee na soo
dhaafay waa wax aan hadda ka hor dunida soo marin taariikhda na lagu
xusin.Haddii aan intaas deri lagu qaadan oo dowgaas hoogga iyo
halaagga noo horseedaya lagu sii jiro, wax rajo ah Soomaaliyaa ma
laha, madaxweyne, barlamaan iyo wasiiro na wax ma ka
qabankaraan.Bulsho dereen wadaninimo, soomaalinimo iyo muslinnimo ayaa
maamul daacad ah loo dhisi karaa.waxan ugu yeereynaa qof kasta oo
waxgarad ahi in uu si daacad ah
xilka saaran u guto.Waxan ugu yeereynaa bulshada in ay tigelin weyn
siiyaan murtiga dhaxalgalka ah ee ay noo dhaafeen abwaanadu.
Dugsi ma leha qabiil wuxuu dumiyo mooyaan.
Midnimo ayaa lagu meel maraa, mahad iyo guul lagu hanta.


2. Barlamaanka oo laga sugayo filaalintafulinta shariga wadan u degan
iyo la shaqeynta dowladda iyo xiriirinta bulshada.Waxan la soconaa in
xubna barlamaanka lagu soo xulay hab qabiil oo mid walba uu magac
beeleed ku joogo golaha.Waxan ogsoonahay in qabiil yahay sababta
qarankeeni u dumay masiibadu na Soomaaliyaa ugu habsatay.Hadaba, waxan
xildhibaanada ugu yeereynaa ka na codsaneynaa in aad muujisaan dareen
wadaninimo, soomaalinimo iyo muslinnimo oo aad dalka ka leexisaan
dowga burrurka iyo halaagga oo aad u horseedaan nabad, horumar iyo
sharf dowladnimo.
3. Madaxweynaha iyo dowladiisa oo laga sugayo in fahmaan ay na si
daacad ah dhexda ugu xirtaan wax ka qabashada hawlaha qalafsan ee laga
sugayo.
Waxa ugu horeya oo laga sugayo dowladda waa in ay dib u heshisiin dhab
ah loogu yeeraa bulshada soomaaliyeed guud ahaan, waayo dad heshiis ah
oo isu niyad fiyow ayaa wax wada qabsankara nabdgelyada dalka na sugi
kara.


Dal iyo bulsho ba cadowggooda ugu weyni waa kan gudaha. Kuwi burburka
iyo duliga u horseeday soomaaliyaa weli wadanka waa joogaan falkoodi
xumaa na waa wadaan, in qaran dhismo na dantooda ma aha.Si wadanka nad
loogu soo dabaalo waa in marka hore cadowga gudaha farta lagu fiiqaa
oo wax la taaban karo na laga qabtaa.Haddii nabad maamul dowli ah oo
daacad ah la helo sanad qura ayaa wadanka lagu dhisi karaa.Waxan ka
sugeynaa Madaxweynaha in uu soo magacraabo raiisulwasaare aqoon iyo
karti leh oo soo dhisa dowladda hanankarta howsha adage e laga sugayo
in ay u qabato wadanka.
Soomaaliyeey Maanta waa maalintii hal ahaansho


Prof. Maxamed Xareed cali
Developed by Jago Desain