SILSILADII MARUURYO

Calankii iyo xorriyadii la helay waxay durbadiiba u soo muhday horrorro aan hiilkeeda gelin markii shacabka Soomaliyeed intiisa badani ka dhiidhiyeen heeryada gumeysiga. Dar badan oo kuwaas ka mid ahi waxay la safnaayeen gumeystihii talyaaniga ayadoo loo adeegsan jirey in la isku hortaago halganka xawligiisu maalinba maalinta ka danbaysa soo kordhayey. Waxay bilaabeen inay kala furfuraan shacabkii meel u wada jeeday isla markaana iyagoo ka faaideysanaya dulqaadka iyo xushmaynta shacabka waxay bilaabeen inay sidii xarka u galaan ruuxiyadii Soomalinnimo oo ay aakhirkii burburkeeda u sabab noqdeen.  Weligeedbaa dhagarqabe ka faaideystaa dheeliga ummada'e, markii dadkii iska soo taageen kahrbudaadii dadka tirada yar ee Bari ka soo doolay ay ku kala dillaalayeen ayaa horor kale ka faaideystay isagoo isaguna adeegsanaya Ciidankii Qaranka oo aan iska dhaadin himilada qarsoon ee hororkii Afweyne. Kooxihii dufan-jecesha ahaa markay waayeen hadhuubkii ay hareeraha ka leefi jireen waxay damceen inay manjaxaabiyaan Hororkii horrorradaas ugu weynaa taasoo ay minjo dhiigle kala hulleeleen.
1978-kii ayay kooxaha hore oo u hamuumaya hoggaanka hasha ay haaneedkeeda ku caana maaleen waxay Injiqlaab dhicisoobey ka rideen dalka ayagoo malaha tamanniyey in maadaama ay hororka hayb wadaag yihiin in xitaa haddii hadafkoodu hirgeli waayo aanay hantaaqo weyn la kulmayn. Afweyne oo waagaas shaadh Waddaninimo hullaabtay si aan loo garan wuxu dabar jaray kooxihii isku dayey inay
maamulka ka maroorsadaan.
Nin ragi waa hoog iyo ba' u jooge, durbadiiba waxay kooxdaasi bilawday cabaad, cataw iyo cay ay "guubaabo" ku magacaabeen oo shacabkii aanay talo gelin ku hiifayaan.
Khaliif Sh Maxamuud oo mawjadaha gabaygu sidaan ayaa markaa bilaabay Silsiladda "Maruuryo" oo aannu ugu magac darnay cabaadkiisii ahaa;
Maruuryoodayeey xalay miyaan miray calooshada

Xali Xasan Aadan Banfas oo ka mid ah abwaannadii ka jawaabay gabayga ninka "Majeerte" waa kii lahaa.
Rashiid iyo Cigaal maalintuu mawdku kala reebay
Raahibkii Talyaaniga ka hadhay raarta sare fuulye
Raqba waa rageedee shalay waad ragragateene
Riddo dhiigle waan kula jeclaa raysna daba yaale
Waxaad ruubateen maalintaa dad iska reebteen
Majeerteen siduu rabay hadday run ahaan weydey
Adaa raaf-dilaacaye anigu kuma ragaadsiine
Haddaan kaag rogi laa adaa igaga riiq dheere
Hadaad raaxo joogtiyo hadaad raran gubyooneyso
Weli raranki maad gelin cagaa nagu rogeyseene
Adinkiyo Ba Raabaco dheryaha waysku ridataane
Ruugcadaadigaa haysta iyo adigan riixaaya
Hadba raarta kiinii galaa waysla ruga geyne
Raambaha haddii lagu turbo raani iyo baashe
hadba Yeekahaa nagu rogtaan waysla ruga geyna
Reerkii aad kala daadiseen muu rafaad bixine
Rakaabada sidaa uga cunteen rayna degi waaye
Sidiibay raraaydu u baxdaa roobna urin waaye
Raaskaa yaree maamula iyo adigan rawrawle
Hadba calanka kiinii rahmaa waysla ruga geyne
Waraabahaa rabayseen hadduu cunayo ruuxina
Ridaan gees lahayn riyuhu? idaha raacshaane
Ra'yigaynu kala haysanaa waysla ruga geynee

Cabdulle Raage Taraawiil oo ka mid ahaa caalinkii ugu weynaa xagga Suugaanta muddooyinkii danbe ayaa isna la
yaabay dirediraha ninka majeerteen. Cabdulle Raage, ilaah ha u naxariistee, isagoon jeclaysan abaalxumada Khaliif
reerkooda ee ay weliba afxumada ku darsadeen ayay isna gabaygiisa ka mid ahaayeen;
Macbudkii na kii dhaafiyey aan mahadinaynaa
Mus ka soo dhac iyo cayi waa meheraddiiniiye
Idinkoo madhsaday xeedhyahoon madhax idiin oollin
Haddana inaad masala doontahaan maanka ka arkaaye
Anigoo masuul qaransidoo sharafya maamuusle
Dad maxaysato ah lama tirsado oo masaafuray
Iyagaaba malaggood galoon madax bannaanayn
Adoo mudhuxsan oo qaawan baa meel lagaa helay
Maraay aa lagaa soo dejiyey maalin duhurkii
Markhaatina waxaa lagu hayaa maqalyo taariikh
Adigoo maqaar bahalle iyo aadmi madixiisa
Markaan ku arkayoon kaa samroo kaa moral jabay
Murdisadi aad iga taabataan maydhay toban jeer
Marjafkii ninkii kaa jaree marada kuu iibshey
Markaad dheregtey inad caydo waa Garac maqaankii
Mushkiluu dhaxlaa ruux kastee wacal masruufaaa
waa waxaan minhaaj iyo ku dhalan meher xalaaleed
Oo aan muftiyo hooyadiis macallin loo geyn
Marti kibirtey waa ba'antay iyo magan cadhootaaye
isa soo mutuxa waa waxaad naga macaashtaane

Developed by Jago Desain