Wax ka Ogow Faaiidooyinka Akhriska

Akhriska

Ilaahay baa mahad leh, Aadamaha baray waxaanay aqoon, una furay dariiq ay ku korodhsadaan cilmigooda, ku hibaystay caqli ay ku kala gartan xaqa iyo xaqdarrada.

Waxaan qalinka warqadda u duldhigay si aan kalmada kooban uga qoro ahmiyada iyo qiimaha akhriska aniga oo kala dooranaya kalmadaha waxaan isku dayay inaan si kooban uga hadlo, markaan arkay inaanu hal maqaal koobayn faaidada akhriska ayaa waxaan ku gaabsaday kelmadahan kooban.


kalmaddii kowad ee kusoo dagtay Nebiga (scw) waxay ahayd “akhri”, taas oo ku tusinaysa qiimaha uu akhrisku ugu fadhiyo qofka muslimka,.
quraanku waxa uu ka koobanyahay In ka badan 77 kun oo kalmadood lakin Ilaahay waxa uu u doortay kalmadda إقرأ akhri” inay noqoto kalmadii koowaad ee soo degta quraanka.
Akhriska waa shay dadka badankiisu ay u yaqaanaan kaliya magac ahaan lakin macna ahaan ka ballaadhan sida la moodayo.
akhriska waxaan uga jeedaa qofka oo akhriya macluudaam uu ku siyaadsanayo aqoontiisa sidaa buugaag laga qoray fanniyada kala duwan, wargeysyo, iyo bogagga internetka ee lagu ururiyo aqoonta guud.

akhrisku waxa uu ka caawiya qofka inuu xalliyo mushkiladiihiisa, inuu u fikiro si taban, akhriska waxaad uga qiyaasan karta waxa dhacaya Mustaqbalka adiga oo eegaya waxa hore u hadhacay iyo taariikhaha isisoo celcelinaya, uma jeedo inaad QAYBKA ogaato lakin waa inaad qiyaasi karta sida ay wax u socdaan iyo xagay u socdaan.
akhriska waa astaanta aad ka garan karto qofka aad la dhaqmayso inta ay gaadhsiisantahay aqoontiisu, taas oo aad ka dareemi karto qofkaasi thaqaafada iyo aqoonta uu xambaarsanyahay.
waxa jira tusaalayaal farabadan oo aynu usoo qaadan karno ahmiyadda uu leeyahay akhrisku, laga soo bilaabo markii Aadamuhu bartay akhriska waxna la qoray ilaa maanta oo la joogo casrigii technology-da waxa ummada hagi jiray dadka aqoonta leh ee wax akhriya,.

akhrisku waxa uu qofka aadamaha ah siiya isku dheeli tirnaan xaga aqoonta ah , waxaanu qofka hantisiiyaa garaad iyo garasho badan, oo uu kaga duwanyahay dadka aan waxba akhriyin .
Akhrisku waxa uu siiya qofka labaatan jirka ah caqliga 40 jirka sababtuna waxay tahay qofka oo koobsanay aqoon , dhaqan, iyo waayo aragnimo farabadan isaga oo adeegsanaya akhriska kuttubta kala duwan ee uu laga qoray dhinacyada kala duwan ee nolosha.
tusaale markaad akhriyayso kitaabka البداية والنهاية  “Albidaayah wannihaaya” ee taariikhda ah waxay ka dhigtahay inaad korodhsatay aqoon guud oo ku saabsan dadkii noolaan jiray laga soo bilaabo bilawgii nolosha ee dhulka guudkiisa ilaa laga soo gaadhayo waqtigii u markaas joogay sheekha qoray kittaabka ,

haddaba kalmadahan kooban ee aan soo qoray waxaan uga jeedaa baaq aan u jeedinayo ummadayda inta aan akhriyin aqoonta guud ee ku kooban manhajka uu raacayo inta ugu qoran oo ah kaliya furo lasiinayo qofka si uu cilmigiisa u korodhsado , Inay akhriyaan kuttubta kala duwan korodhsaadanna aqoontooda, ka war hayaan koboca maskaxdooda, kor u qaadaan garashadooda.

culimadii soo martay taariikhda Islamka waxaad arki kartaa In ay qiimaha ay u hayaan akhriska iyo waqtiga daraadedd in qaarkood ay keensan jireen cid wax u akhrida inta ay u fadhiyaan waysada,
haddii aynu tusaale dhaw usoo qaadano culimadii waawaynaa ee Islamka soo maray waxaynu arki karnaa in qaarkood ay akhriyi jiraan iyaga oo saaran awrkooda, ama lugaynaya dariiqa , ilaa ay culimada qaar gaadheen inay wax akhriyaan iyaga oo fadhiya xafladdii arooskooda,.
Haddi aynu inyar ku noqo oo aynu tusaale u doonano culimadii Islamka soo martay:
ü  Imamkii wayna ee Imam Muslim ee qoray kittaabka saheeh Elmuslim, waxa uu dhintay isaga oo wax akhrinaya, taasi waxay ku tusinaysaa sida uu u jeclaa akhriska iyo inaanu cilmiga cidlo ka helin ee uu u tabcay.
ü  Taariikhyankii la odhan jirray Khadiib Al baghdadi waxa uu wax akhriyi jiray isaga oo soconaya.
ü  ElJahidh oo ahaa nin xaga luuqada ku caan ah, waxa uu u hoyan jiray maktabaddiisa iyo kuttubta dhexdooda ilaa markii danbe la helay isaga oo ay ku soo duntay kuttubtii uu isagu qoray, halkaasna uu ku dhintay.!


Ragaas aynu soo sheegnay iyo rag kale oo badan waxay ay fahmeen qiimaha akhriska, taas oo sabab u noqotay in magacoodu jiro ilaa maanta oo cilmigoodii uu ina anfacay,. Waxbay akhriyeen , fahmeen , kuna camal faleen, waxaanay kor u qaadeen nafahooda iyo ummadooda waxaanay inooga tageen wax wayn oo aynu tusaale ka dhigano.

Akhrisku iyo waxtarkiisu maaha wax aan kusoo koobi karo hal maqaal iyo labo toona , qalinka oo khadku ka dhamaado mooyaane , faaidada akhriska maaha wax kooban oo hadal koobayo.:

Akhrisku waxa uu faaido u leeyahay caafimaadka sidda ay caddeeyeen diraasado badan oo la sameeyay,
Akhrisku waxa uu la dagaalamaa warwarka iyo walbahaarka.
Akhrisku waxa uu Ilaaliya waqti ku lumi lahaa waxba la’aan.
Akhrisku waxa uu qofka ka caawiyaa sidii diinta wax uga baran lahaa una gudan lahaa waajibaadkiisa cibaado si sax.
Akhriska waxa uu ka caawiyaa Ummadda in qofkaastaa hawshiisa sida u fiican u qabto hawlkarnimona muujiyo.
Akhrisku waxa uu qofka baraa sabirka.

maxay ka yidhaahdeen culimada Islamka iyo kuwa reer galbeedkuba akhriska:
  1. “Cilmigu waxa uu ku jiray laabta raga(culimada iyo aqoonyahanka), kadib waxa uu u gudbay kuttubta, furihiisuna waa gacmaha ragga(akhriska),”  
                                                                   Imam Shatby
  1. “Magaranayo saacado noloshayda igaga farxad badnaa waqtigaan ku qaatay kuttubtayda dhexdooda. “                
                                                               James Shirley 
  1. Waxa la waydiiyey Imam bukhari dawada xifdiga wuxuu yidhi : waa Indhaha oo lagu badiyo akhriska.
  2. “Adduunka ma jiro waddan horu marayaa ilaa uu ku bixiya kuttubta lacag ka badan tuu ku bixiyo xanjada.”     
                                                           Albert Hubbard         
  1. Waxa la i waydiiyey yaa hoggaaminaya Adduunka? , waxaan ugu jawaabay : cidda garanaysa sida wax loo akhriyo.     
                                                                     Voltaire

Mohamed Abdurrazzak Mohamed
IIUC, chittagong;
Developed by Jago Desain