Xikmada Soonka iyo faa'idooyinka soonka ee Nafta

Xikmada Soonka iyo faa'idooyinka soonka ee Nafta
Soonku waa fursad uu Ilaahay ku manaystay dadka muslimiinta ah si ay u xoojiyaan iimaankooda una saxaan qaldaadkooda, iskaga joojiyaa caadooyinka xun ee ay qabatimeen, bishani waxay qofka barta sabirka iyo adkaysiga.


Haddaba waxaan wax kaa taaban doona qaar ka mid ah faaidooyinka tirada badan ee  soonku u leeyahay dadka xag caafimaad,xag ruuxda iyo xag dhaqan.



faa'idooyinka soonka ee ruuxda :

Soonka xikmadaha uu Ilaahay u waajibiyey maaha in laga reebtoonada cunista iyo cabida oo kaliya lakin soonku waxa uu leeyahay xikmadda badan oo Ilaahay ugu talo galay qofka muslimka inuu ku dhisma xag kasta oo nolashiisa ka mid ah, haddaba faa'idooyinka soonka ee ruuxda u leeyahay waxa ka mid :
  1. soonku waxa uu u dhaweeya qofka Ilaahay, waxaanu xoojiya iimaanka.
  2. waxa la xidhxidhaa shayaadiinta, waxaana la furaa Albaabada jannada, dadka soomana waxa uu ilaahay u diyaariyay albaab u gaara oo ayna jannada ka galaan rayan.
  3. soonku waxa ku jira habeenka laylatu qadr oo ah habeen ka cibaadadiisu ka khayr badantahay kun bilood!
  4. ramadanta  waxa uu ilaahay kordhiya abaal marinta cibaadooyinka ajarkooduna wuu kordhaa, waana fursad uu qofku uga faaidaysan karo inuu labanlaabo cibaadooyinka kala duwan si uu Ilaahay ugu dhawaado.
  5.  Ikhlaas iyo cibaadada oo loo gaar yeelo Ilaahay iyada oo aan cid istus iyo wax halagaa sheego aanay ku jirin, waa faaidooyinka soonka ee uu qofku ku tababarto bisha ramadan.
  6. soonku waxa uu qofka hantisiiyaa Jacaylka daacada iyo Ilaahay iyo Allah ka cabsiga, waxaanu necbaysiiya macsida iyo qudhun kasta oo ilaahay ka fogaynaya.
  7. soonku waxa uu qofka ku carbiyaa sabirka loo sabrayo cibaadada. 

Faaidooyinka caafimaad ee soonka: 

faaidooyinka soonku u leeyahay caafimaadka ma aha waxyar oo lasoo koobi karo inta laga ogaaday ilaa haddana way iska koobantahay, maalinkastana waxa la daah furaa faaido caafimaad oo uu soonku u leeyahay jidhka aadamaha, iyo baahada loo qabo in la soomo si looga hortago cudurada loona cusboonaysiiyo caafimaadka jidhka,
  1. soonku waxa uu ka takhlusa qashinka ku biiray jidhka gaar ahaan calashoo iyo mindhicirada, qashinkaas oo haddii uu jidhka kusii jiro keeni kara dhibaatooyin caafimaad, soonku waa habka kaliya ee lagu saari karo qashinkaas.
  2. soonku waxa uu damaanad qaada tamarta jidhka isaga oo suurta galiya qaybinta tamarta jidhka hadba baahida uu u qabo jidhku.
  3. soonku waxa uu wanaajiyaa habdhiska dheefshiidka, waxaanu fududeeyaa nuugista jidhka ee dheecaanada faa'idada leh.
  4. soonku waxa uu yareeya sonkorta jidhka, waxaanku fursad fiican siiya ganaca si uu usoo saaro insulinta, oo marka cuntada ku yaraato jidhka waxa uu helayaa fursad uu ku bedela sonkorta ku jirta jidhka. 
  5. soonku waxa uu furaa maskaxda, waxaanu xoojigayaa garashada.
  6. soonku waxa uu faai'do u leeyahay dawaynta xanuunada kala duwan , sida dhiigkarka , soonku waxa uu hoosu dhigis ku sameeya cadaadiska dhiiga hab la dareemi karo.
  7. soonku waxa uu faa'ido u leeyahay maqaarka, waxaanu qurxiyaa muuqaalka qofka iyo maqaarkiisa, isaga oo ka horta taga fininanka iyo boogaha kaso baxa jidhka ,waxaanu u siyaadiyaa qofka qurux iyo jalaqsanaan.
  8. badhitaano badan oo ay sameeyeen culimada reer galbeedka marka laga tago ku islaamka, ayaa waxay ay ogaadeen in soonku uu yareeyo subaga jidhka taas oo sababta inuu yaraado subagawga dhiiga(cholesterol waxay ay keenta xidida dhiiga oo awdma).
haddaba waxaan kusoo afmeerayaa qormadaydan xadiiskii rasuulku scw uu yidhi:((من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجه في أن يدع طعامه وشرابه))
Developed by Jago Desain