David De Gea oo Albaabada ka xirtay Real Madrid

Gool-hayaha Naadiga Manchester Unted David De Gea ayaa iska fogeeyay dalab kaga yimid Kooxda ku ciyaarto Bernabue Stadium ee Real Madrid, isagoo sheegay inuu ku qanacsanyahay inuu baaqi kusii ahaado garoonka Old Trafford.
21 sano jirkani, ayaa doorasho xoogan kala kulma Goolhayaha Labaad Anders Lindegaard, inkastoo Labadani Gool ilaaliye ee kasoo muuqdaan kulamada Naadiga Ciyaareeso.
“waan ku faraxsanahay joogitaanka United, mana ka fakarayo xillgan inaa ku laabto Horyaalka Spain Ee La Liga” ayuu De Gea  usheegay The Sun.
“Waan aqbalay inaa difaacdo kaalinytayda ku aadan dooqa koowaad Ee Sir Alex, kuna dadaalo shaqo adag  xirfadeeda una dagaalamo booskayga, taasi waxay ii siyaadinaysaa inaa safiican u ciyaaro” ayuu ku hadaaqay De Gea.
David De Gea, ayaa iska indha tiraya dalabka ugu imaanaya Kooxda Real Madrid, waxuuna ka doorbdayaa inuu sii joogo Kooxda uu macalinka u yahay Sir Alex, waxuuna hadaladani ku shaaciye shirkiisa jaraa’id xilli ee isku diyaarinayaan inay wajahaan Kooxda dhulka la dhigi la’yahay Ee Chelsea.

Shabakada Baargaal.net

Developed by Jago Desain