Gabaygii Hurgumo iyo Khaliif Shiikh Maxamuud.

Gabaygan waxaa tiriyey hal-abuurkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Khaliif Shiikh Maxamuud Saciid.Abwaanku wuxuu ku dhashay degmada Qardho,
wuxuuna ku aasan yahay Ceelcad, Gallaadi.
Maansadan oo uu ugu macag daray H U R G U M O, wuxuu tirshey 1978kii. Waa tii ugu orreysey ee Silsiladdii Miinleyda. Waxayna ku duuban tahay dhowr giraamood (Cajaladood)
Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 150 (boqol iyo konton) meerisyood.



Abshirow micnaha gabay haddaad, mir iga weyddiisey
Wiilyahow madluun baan ahaa, maalin iyo leyle
Intaas waan muglee yahay sidii,  gorayadii muune!
Mas la diley sidiisaan madaxa, meerinahayaaye
Sideydana waxaan maagganahay, waa wax kaa maqane
Magliga daabo maahee si kale, hay maleyninna'e.
Adduunyadan maraabaysay oo, murugtayoo xiintay
Oo uu Mareexaan u kacay, waa masala weyne
Gardarradaa mutuxan waa dagaal, waxan ka miisaaye.
Maruuryoodayey xalay miyaan, miray calooshayda!
'Muskii nalaga soo galay miyaa, dhaxani mawlaysay !
Goortaan wax milicsaday miyaan, caro madoobaaday!
Midigtiyo bidixdii miyaa, midiba meel aaddey!
Markabkaan ku tiirraa miyaa, meeshi laga qaadey!
Maxamuud Saleebaan miyaa, marada loo taagey!
Mililkiyo hurgumadii miyaa, uurka igu miirmay!
Sidii aar muhdi ahaa miyaan, micida soofeystay!
Ma inaan colaad maamuley, dani i moodsiisay!
Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay,malab sidiisiiye
Sidii miraha dhoocaan ka baxa, muudsay aadmiguye
Nin waliba wuxuu mihindisaa, inu magawshaaye.
Agoon maalki laga qaaday oo, meel kastaba jooga,
Maraykaanta naagaha qaboo, madaxa loo saaray
Oo mudanayaashii jeclaa, mooska laga yeeley.
Dadku mowdka wasyka ogyahoo, Maalig baw qoraye,
Meydkiyo raqdoodii miyaa, laga dul maansooday!
Sidii wax aan Muslim ahayn miyaa, muxubbo loo laayey!
Madfaciyo rasaastii miyaa, meel kastaba gaaray!
Kulli miraha Daarood miyaa, keen isugu miirmay!
Ma kuwaan Hartiga moodayaa, soo mashxaradaayay!
Maangaab Dhulbahanta ah miyaa, nagu maraabeeyey!
Margaguufyadii hore miyaa, muruqa noo tuujey!
Muhanniga Ogaadeen miyow, mabay xumaanteenna!
Warsangeliga maahee dadkii, mayna wada meershey
Inkastay bahnimo muujiyeen, sooma mayl bixine
Malkadaan ka sugayiyo ma iman, mowshinkaan rabaye;
Hadday ficil maqiiqaan warmuhu, nama muquufeene
Macag iyo Xadeed bay idaha, kaga maceeshaane
Macna ineeyan noo tarin miyaa, meeshi ka caddaatay!
Iidoor marduuf qaad ah helay, waa majnuun falane
Hilib maraq leh iyo roodhi bay, miidsanahayaane
Macna dawladnimo leedahayba, uma muraadaane.
Caynaanshe meeshii la dhigay, haadku malafleeye
Mudadkiisii waa kii dugaag, maalin weyn cunaye
Maskaxdiisii waa tii tukaha, looga dhigay miide.
Nabad bay macaansanahayaan, wawse maan li'iye
Wallee ama Magaalada Berbera, dhiiggu mulacyeeyey
Ama sida mawaashiga ratiga, meere lagu saaryay.
Hawiye meeluu joogaba dagaal, wayska maanacaye
Maankaba ka jare ragannimaad, meel ka soo geliye
Maaraha Siyaad baa ka dhigay, maato caano lehe.
Abgaal oo mihigaan ka badan, jaraha loo miiqye
Mudanihii Gabayruu ka dilay, oo mar soo baxaye
Waxay talo ku moosteen inay, moxogga diirtaane.
Habargidirta Mudug joogta ee, maashu wada fooxday
Ee layska maamulanhayoo, deyrka lagu meershey
Ee sida halaha maydabta ah, layska maalaayo;
Iyaba mahadho iyo way qabaan, ceeb muggooda ahe,
Murursadiyo Cayr iyo haddii, Sacad la miinaystay
Marna ineeyan "Maya" oran karayn, kama malaynayne.
Hadalka hayga moodina inaan, maarowaa nahaye
Sida maanta aan nahay yaan la oran, laga mirroonaaye
Mar un baan mowjadaha xirmiyo, maayad soo kicine.
Nabsigaa mugdiga gudahayaa, mar un heleynaaye
Carruuraa maryaadaaya iyo, dumarkan mawleeyey
Mar un baa marwada Maxammed qabo, noqon mataalkoode.
Mar un baa mid lagu meel mariyo, Maahir noo kicine
Mar uun baa rag wada miiggan iyo, miiddi soo bixine
Mar un baa madhada Caabudwaaq, miig ku soo degine.
Ninka tiisa maamulan karaa, kuu muraad fala'e
Magallooti iyo lama martiyo, leb iyo meygaage
Bal inaad idinku naga maarantaan, wax is muhiimsiiya.
Afartaas intaan "Miin" ka deyey, meel ma qabadsiiyey  
Rag baa gabayga meermeeriye, marindhac maw diiday  
Macna kalena waa hadal yaraan, meesha kala yeeray;
Maraweyntii Reer Cumar ahayd, meher xalaaleeye
Midguhuna ma yeeleen waxay, madaxa saareene
Aw-Muuse gabayguu mershaa, meesha soo galaye.
Waxba yaan micne la'aan xarrago, suuqa lay marine
Waxba yaan matoobbi iyo shaal, lay mardaaddiyine
Waxba yaan dad mudanaannu nahay, lay maqmaqashiine!
Haddaad geel mulki ah leedahoo, xero u meegaarto
Mareerkiyo galoolkiyo hadday, Magacley daaqayso
Oo kuraygu murraha u sidoo, Maraq u heesaayo;
Ninkii maagistaadiyo fidnada, muhashadeed hayso
Haddii uu martabaddaadi hore, sax u malayn waayo
Marka hore mid buu kaa qalaa, muunad loo dhaline;
Murre hadday dhadhami weydo iyo, dacar la soo miiray
Oo uu raggii maali jiray, soo mur bixi waayo
Mulush iyo hadday wada noqdaan, mohologiin tuunsan;
Doqontii maldahan hawga biqin, maayal dirireede
Mar labaad rogaal weerarraa, lagu mayiiraaye
Oo muqalladoodii rag kale, galab ka meershaaye.
Cabdulqaadir bay maraqsadeen, maalin duhurkiiye
Mishigaanku goortuu dardaray, Mahad ma moogeyne
Macaandhereglayahay ceebtu waa, meheraddiinniiye!
Nimankii middida saaray baad, meel la hurudeene
Ood weliba maamuus salaan, ugu mihiibteene
Inaad Diini magantiis tihiin, idin ma moodeyne.
Dabadeedna muurmuursigii, lagugu meydhaanye
Toban iyo toddoba madax ahoo, uuski laga maaxshay
Is Maxamuudin tiinnaas xun baa, loo makaabsadaye.
Mahwigii Xalwiyo lagaga tuur, malawgi dheeraaye
Cirro inuusan meel roon ka dhalan, waw macruuf qabaye
Magac ba'aye Ciisaan lahaa, way mintidayaane!
Cismaankii is maahuurin jiray, malihi beenowye,
Haddii muran dhex maro reer tolkood, ways mutuxiyaane
Goortey shisheeyaha mutaan, reer marti xumooyin;
Raggii shaarubbada miiqi jiray, waa makaan dumaye,
Waa taad Majeerteen yar-yare, nagu magcowdeene
Murti haddaad lahaydeen wax tara, lagu muquuneeye!
Ibraahiinno milil bay qabaan, mur iyo deebaaqe
Mootaayihii shalay ku dhacay, lagu mahlaakeeye
Dhulugdheer middii lagu dhuftay, doc ula miirmeene;
Mardarkii Shirshooruhu markuu, kor u muquuraayey
Allaaba waa gargaar meel maraad, ugu miciintaane
Goortii la mariyaad kalgacal, wada maqsuudeene.
Ninba maalin baa loogu iman, maxashadiisiiye
Qoladay markaa haysataa, kaga maqnaataane
Xasadnimada maarowdey way, diin macaantahaye.
Mahwiga Cali Saleebaan haddaan, mirar ka faalleeyo
Waa niman maslaxaddoodu tahay, mayddi iyo fooxe
Waa niman mallay inay gurtaan, maanka kaga taale;
Waa niman aan ficil muujin karin, maalin lays galaye
Iyagoo malyuun iyo malyuun, mira sarow dhaafay
Waa niman masaakiin yar-yar ah, lagu mataalaaye;
Waa niman micnaha ay wataan, lala mashquulaaye
Waa niman mucaarad iyo toos, aan midna ahayne
Waa niman aan meelna uga jirin, miis rag leeyahaye.
Malaggii walaalkii nin jecel, muruggo waw koowe
Ragga lagu malkhadayaana waa, mahurtadiinniiye
Mar un inaad is daydaanna way, kaa madowdahaye!
Mataraariyahaa lagu furaad, keligood moodeene
Goortii mir iyo mayrac iyo, malafsi loo laysto
Inaad adigu marax kayd ah tahay, wayska moogtahaye.
Muuse iyo Ismaaciil bahdood, kama masuugaane
Mar hadday makaabada jebshaan, maara laga waaye
Magnad kugu dhagaayey sidiis, wax u maroorshaane.
Marse haddaan kor u qayliyoo, mirar u yeeryeero
Moxorkii Jacayleed haddii, firimbi mowleeyo
Haddii aan Magaalada Qandala, oohin ku ag meero.
Madaxyada Walwaaleed haddii, belo muluuf qaaddo
Ceelkii Mareegsane haddii, qiiqu mulufleeyo
Marsada iyo xeebaha haddii, laysu mari waayo.
Maskantii haweenkiyo haddaan, marashi dheer qaato
Madal laysu soo baxay haddaan, muusanaw kiciyo
Waxaan maanka ku hayaa inuu, maataddoox dhicine.
Annagoo makiinadaha laliyo, moodhar ku ordeyna
Oo carradu naga muuqataan, mowqifkii imane
Eebbow waxaan maagganahay, yaa maslixi doona?

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain