Posts

SHABAKADA BOOLIMOOG OO NOQOTAY XARUNTA AFLAGAADADA LOO SOO MARIYO MASUULIYIINTA IYO AQOONYAHANADA BAARGAAL

Sida uu tibaaxayo war lagu soo daabacay shabakada Hada Lamagac Baxday
Boolimoog Media , Horayna u Ahayd Raascasayr Media taariikddu markay
ahayd 09/10/2012 ayaa waxa muuqata in shabakadaasi ay u xuubsiibatay
inay noqoto xarunta lagu faafiyo dacaayada iyo aflagaadooyinka loo
geysanayo Masuulinta iyo aqoonyahanada kasoo jeeda Degaanka Baargaal ,

Shabakadan oo marar badan lagu soo daabacay warar ka dhan ah
shakhsiyaad sumcad iyo makaanad ku leh Gudaha Bulshada Degaanada
Calbari , ayaa Noqotay mid ka fog hab dhaqanka iyo wada noolaandhaha
Bulshada Calbari iyadoo ay ka marag kacayso warbixinada lagu soo qoro
Bogooda :

1- Aqoon la'aanta ka haysa Dhinaca ay Siyaasada u socoto.
2- warar lasoo xado oo aan la raacin cida laga soo qaatay.
3- Warbixino aan lahayn wax ujeedo ah oo laga soo buuxiyo shaashada shabakada
4- Qabyaalad & Shakhsi Nacayb

Hadaba Aflagaadadii ugu danbaysay ayay kula kaceen Nabadoon Axmed
salaad C/raxmaan ayagoo Been Ka sheegay Sababta Ka danbaysay
safarkiisa uu Ku aaday Yemen , Mashaqadii ka dhacday degaanka , iyo
waxyaabo kale oo badan oo ka baxsan hab dhaqanka saxaafada iyo
anshaxa toosan ee loo waajaho shakhsi kaa miisaan wayn.


Mudo yar kahorna waxay sidoo kale damceen inay been iyo khurafaad ka
dhaadhiciyaan bulshada , waxay Aflagaado iyo gardaro ku maageen
shaqaalaha Sharafta Mudan ee Golis Baargaal ,

Hadaba waxaa ayaan daro ah in wararkan iyo warar kale oo hore loogu
soo daabacay shebekadaasi inay soo tafatireen dhalin yaradii degaanka
u dhalatay ee laga rabay inay wanaaga isku xiraanta iyo Horumarka
bulshada kataliyaan , oo saxaafada degaanka sawir fiican dunida kale
ka gaarsiiyaan.

hadaba waxaan kula talin lahaa shakhsiga (La yaqaan ) ee shabakadaasi
wax ku qora iyo dhalinyarada la shaqaysa inay ka waantoobaan
aflagaadada , cayda iyo canjarafaynta shakhsiyaad ayan gaarayn
Harkooda , iskana jiraan in habaar iyo inkaar ay ku Habsato.


Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Degaanada Calbari
Baargaal@gmail.com

Baargaal | Gobolka Bari | Somalia
Tell : Land Line +252 50 811310 | FaceBook | Twitter
Developed by Jago Desain