Posts

Hawlgal ay ku dhinteen labo ruux oo dhahar ka dhacay

Waxaa ku dhintay Magaalada Dhahar ee Gobolka Hayland 2 ruux oo rayid
ah kadib markii ay Maanta gelinkii danbe Ciidamada dowlada Puntland
hawl gal ka fuliyeen Gudaha Magaalada Dhahar.
Goob jooge ku sugan Magaalada ayaa u sheegay caawa warbaahinta in 4
gaari oo nooca Dagaalka ah ayna saaran yihiin ku dhowaad 40 Askari ay
maanta gelinkii danbe gudaha u soo galeen Magaalada iyagoo ka yimi
dhanka Wadada laamiga ah .


goob jooguhu wuxuu xaqiijiyey in Ciidamadu ahaayeen kuwo aan laga
warqabin ayna yimaadeen meherad shaaha laga cabo oo ku taala bartamaha
magaalada halkaas oo uu ahaa bartlimaameedkoodu.


Marxuumka 1-aad.
Markii ay arkeen Dadweynihii ka shaahayey meherada gawaarida Tiknikada
ah ee ku soo socota kuwaas oo markaa laba jiho kaga imanayey meherada
(maqaaxida shaaha) waxay bilaabeen inay kala yaacaan kadib nin lagu
magcaabo Xasan Ismaaciil Sardheeye oo ka midahaa dadkii goobta ka
shaahayey ayey Ciidamadu rasaas ku fureen isagoo markaas sii cararayey
rasaastaas oo sababtay inuu meeshiiku geeriyoodo.
Marxuumka 2-aad.
Qofka labaad ee dhintay ayaa ahaa wiil arday ah oo wax ka barta
Magaalada kaas oo dediisu ahayd dhowr & toban jir waxaana haleeshay
rasaastii ay furayeen Ciidamada Dowladu kaas oo markii hore dhaawac
soo gaaray.
Ciidamada ayaa u soo qaatay dhanka Magaalada Boosaaso dhaawaca kadib
waxaa la sheegay inuu ku dhintay jidka.
Developed by Jago Desain