Posts

Taariikhda Liiska golaha Wasiiradda cusub iyo qabiiladooda

shabakada baargaal waxay idiin soo gudbinaysaa Taariikhda Liiska
golaha Wasiiradda cusub iyo qabiiladooda
1. Marwo /Fowsiya Yuusuf X Aadan – Ra'iisul-Wasaare ku-xigeen /
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda:
Khabiir-hawleed xirfad iyo aqoon aad u durugsan u leh Xiriirada
Caalamiga ah, Maaraynta, GargaarkaBani-aadamka, Saxaafadda, Qaramada
Midoobay, Tacliinta, Awoodeynta Dumarka, iyo la-tacaalidda
Saboolnimada.
• Saxaafadda, Tacliinta, iyo Xiriirka Caalamiga ah ku baratay
jaamacado caana oo ku kala yaalla Dalalka Faransiiska, Suudaan, iyo
Maraykanka
• Xilal sare ka soo qabatay safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd
dalalka Jarmalka, Faransiiskaiyo Maraykanka
• Aasaastay, agaasimena ka noqotay RAAD International TV.
• Aasaastay, noqotayna hormuudkii ugu horreeyey ee Jaamacadda Hargeysa.
• U dhalatay Qabiilka,Dir,Isaaq,Habar yoonis,Isxaaq.
• U dhaxday Jeneral Abukar Aftooje,oo u dhashay qabiilka
Hawiye,Habargidir,Sacad,reer Hilowle.
2. Mudane/Abdullahi Abyan Nuur – Wasiirka Wasaaradda
Garsoorka,Arrimaha Diinta & Awqaafta,
Malahan taariikh dheer laakiin wuxuu u dhashay Dir,Biyomaal.
3. Mudane/Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, ahaana Raysal-wasaare ku-xigeen;
Guddoomiyihii hore ee Guddiga Abaaraha.
• Maaraynta Ganacsiga iyo Maamulka Guud ee Bulshada ku bartay
Jaamacadda Strayer ee ku taalla magaalada Washinton DC ee ku taalla
carriga Maraykanka
• Diblumaasi ka tirsanaan jirey safaaraddii ay Soomaaliya ku
lahayddalka Maraykanka.
• Ka mid ahaa ergada Soomaaliya u joogi jirtey Kulanka Guud ee
Qaramada Midoobay ee magaalada New York
• Ku-simaha Qunsulka Guud ka soo noqday safaaraddii ay Soomaaliya ku
lahayd dalka Kanada
• Khibrad aqooneed iyo mid shaqo oo ka badan 25 sano u leh maamulka
iyo Maaraynta
• Ku hadla afafka Ingiriisiga iyo Carabiga
• U dhashay qabiilka Raxanweyn gaar ahaan ,Dabare.
4. Mudane/ Cabdikariin Xuseen Guuleed – Wasiirka Wasaaradda Arimaha
Gudaha iyo Amniga Qaranka.
Xirfadle hawlo badan ka soo qabtay Maamulka iyo Maaraynta.
• Agaasime-daleed u soo noqday Hay'adda Muslimka Afrika
• Qayb libaax ka qaatay aas-aaska barnaamijyo aqooneed iyo kuwo
hawleed oo ay leedahay Jaamacadda SIMAD
• Guddoomin jirey Naadiga FPEN oo ah xiriir ay leeyihiin Ururrada ku
hawlan Meheradaha Waxbarashada ee Gaarka loo Leeyahay
• Ku hadla Afafka: Carabiga iyo Ingiriisiga
• U dhashay qabiilka Hawiye,Habargidir,Sacad, Reer Ayaanle.
• Ka tirsan Xisbiga Dhiiga cusub ama Dam Jadiid
5. Mudane/Maxmuud Xasan Suleymaan (Cawil) – Wasiirka Wasaaradda
Maaliyadda iyo Qorsheynta
Aqoonyahan ku takhasusay khibradna u leh maaliyadda iyo qorshaynta:
• Ka qalin jebiyey Jaamacadda Istareeyar Kolleej oo ku taalla Carriga Maraykanka
• Waddamada Sacuudiga iyo Iswiserland uga soo shaqeeyey Bankiga
Islaamiga ah ee la yiraahdo Daarul Maal Al-Islaami.
• Soo qaatay tababbarro badan oo xirfadeed oo ku saabsan maaliyadda,
maalgashiga, iyo qorshaynta
• Muddo ku dhaw afartan (40) sano ku soo dhex jirey mihnadda
maaliyadda iyo xisaabaadka.
• Si wanaagsan ugu hadla luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga.
• U dhashay qabiilka Daarood,Harti Majeerteen,
• Ka tirsan Xisbiga Dhiiga cusub ama Damu Jadiid.
6. Mudane/Cabdulaahi Ciil-mooge Xirsi – Wasiirka Wasaaradda
Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
Aqoonyahan khibrad u leh u-saldhigidda iyo kobcinta is-gaarsiinta iyo
ganacsiga, ahna sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Xoogga Dalka
Soomaaliya
• Ka qalin-jebiyey Kulliyadda Saadkaee ku tiillay Volsk iyo Saratof oo
ku yaalla Midawgii hore ee Soofiyeetiga.
• Hay'adda Cuntada Adduunka (WFP) uga soo shaqeeyey dalalka
Afqaanistaan, Usbekistaan, Kasaakhistaan, iyo dalal kale
• Khibrad shaqo iyo aqooneed oo ka badan 35 sano u leh mihnadda
Is-gaarsiinta casriga ah iyo Saadaalinta Dhaqaalaha.
• U dhashay qabiilka Daarood,Ogaadeen
7. Mudane/Cabdirisaaq Cumar Maxamed – Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka.
Aqoonyahan ku takhasusay dhaqaalaha iyo culuumta bay'adda, khibrad ,
faham durugsanna u leh wax-soo saarka.
• Ka qalin-jebiyey Jaamacadda York University oo ku taalla Carriga Kanada
• Maareeyaha Barnaamijyada ka ahaa xafiis bulshada Soomaaliyeed ee
Kanada ku nool looga qaban jirey adeegyada kala ah: caafimaadka,
shaqo-helidda, u-doodidda saboolkaiwm.
• Agaasime sare ka ahaa Hay'adda Horumarinta Hiiraan oo qalab
caafimaad iyo adeegyo kale oo dhinaca dhaqaalaha ah ugu
deeqdaycisbitaalka weyn ee Beledweyne
• Guddoomiye ka ahaa Hay'adda la yiraahdo "Danta Soomaalida" oo u
ololayn jirtey wanaajinta xaaladda dadka Soomaaliyeed iyo dalka
Soomaaliya
• Si wanaagsan ugu hadla Afka Ingiriisiga.
• U dhashay Qabiilka Hawiye, Xawaadle, Ibraahin Ciise, Arwaad,
Yabadhaale . waxay Ibraahin Ciise isla yihiin Milkiilaha Labada Hotel
Ambassador iyo Lafweyn ee Muqdisho Xaaji Daauud.
8. Mudane/Muxyadiin Maxamed Kaalmooy – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha
Guud iyo Dib-u-dhiska.wuxuu u dhashay qabiilka Jareerweyne.
9. Marwo/Drs Maryan Qaasim – Wasiirka Horumarinta Adeega Bulshada.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Dumarka & Daryeelka Qoyska.
Dhakhtarad ku takhasustay Cudurrada Carruurta iyo Taranka Haweenka.
• Ka qalin-jebisay Jaamacaddii Umadda Soomaaliya, qaybta caafimaadka
• Tacliinta caafimaadka ka kororsatay Waddanka Nederlaand
• Shahaado Sare oo Caafimaadka Bulshada ah ka qaadatay Carriga Ingiriiska
• Maamullo sare oo dhinaca caafimaadka ah ka soo qabatay dalalka
Yemen, Wasaaradda Caafimaadka ee Nederlaand, iyo dalka Ingiriiska
• Khibrad iyo aqoon ka badan soddon (30) sano u leh daryeelka
iyocaafimaadka aadamiga
• Si fiican ugu hadasha Afafka: Ingiriisiga, Dhajka, Carabiga, iyo Talyaaniga.
• U dhalatay Reer Xamar.
10. Mudane/Maxamud Axmed Xasan – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo
Warshadaha. Wuxuu u dhashay Raxanweyn gaar ahaan Hadamo/Mirifle.
Developed by Jago Desain