Posts

Beeldaajaha Cal Bari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa si weyn loogu soo dhoweyay Magaalada Boosaaso,

Waxaa si heer sare ah loogu soo dhoweyay maantay magaalada boosaaso ee
xarunta ganacsiga maamulka puntland Beeldaajaha Cal Bari Beeldaaje
Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Waxaana soo dhoweyntiisa ka qayb qaatay
Masuuliyiin ka socda Dowlada Puntland oo ay kamid yihiin Gudoomiye ku
xigeenka Barlamanka Puntland Salaad Xareed Cali,Wasiirka beeraha iyo
Waraabka Puntland Eng Maxamuud Xaaji Saalax ,Gudoomiye ku xigeenka
Gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide,Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka
Boosaaso,Odoyaal dhaqameed iyo shacab aad u tira badan.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa Warbaahinta kula hadlay
Garoonka Diyaaradaha Boosaaso asagoo u mahadceliyay Masuuliyiintii
iyo shacabkii soo dhoweeyay,Waxaana uu sheegay in uu aad ugu farax san
yahay in Puntland uu dib ugu soo laabto isagoo kasoo qayb qaatay
dhismaha Baarlamanka Cusub iyo Dastuurka uu dalka Soomaaliya yeeshay.
Beeldaajaha ayaa mahadcelin kadib u jihaystay Madaxtooyada Boosaaso
halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan
Faroole ,
Wixii ka soo kordha socodka beeldaajaha calbari kala soco

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain