Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

 Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa maanta si heer sara ah loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Islaan Bashiir, ayaa waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle, Salaadiin, qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaano, Ururada Haweenka iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.
Soo dhaweynta kaddib Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kamid ah Salaadiinta ugu caansan dalka kana mid ah Salaadiinta ugu magaca weyn Puntland ayaa Saxaafadda kula hadlay Garoonka, wuxuuna sheegay in imaatinkiisa ay tahay inuu ka qeybqaato hannaanka nabadeed ee Soomaaliya.

“Ugu horreyn waan idin salaamayaa dhamaan mas’uuliyiinta dowladda, Odoyaasha, Saxaafadda, Xildhibaanada, dhalinyaradda, Haweenka iyo inta kalaba ee sida wanaagsan oo aad ii soo dhaweyseen, Wuxuuna imaatinkayagu ku saleysan yahay inaan ka qeybqaadano dadaallada soconayo ee lagu doonayo in dowlad Soomaaliyeed la helo, Muqdishana waa caasimaddeenii aad baana ugu faraxsanahay imaatinkeeda” ayuu yiri Islaan Bashiir.
Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa intaas kaddib wuxuu Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku  tallaalay geedka nabadda, Isla markaana tilmaamay iney muhiim tahay in laga wada shaqeeyo hannaanka dowladdnimo ee hadda socda.
Ugu dambeyntii Islaan Bashiir, ayaa xusay inuu ka qeyb qaadanayo isku xirka Umadda Soomaaliyeed iyo sameynta dowladd qaran oo looga baxo Kumeel Gaarka ah, isagoo xusay in ay Soomaali la gudboon tahay iscafin, midnimo iyo wadajir.
Developed by Jago Desain