Posts

Ardaydii oo u Fariisatay Imtixaanka Teeramka koowaad Degmada Baargaal (Sawiro )

in Ka badan ilaa 400 oo arday oo wax ka barata Dugsiga hoose Dhexe
Sare ee Bilaal oo ku yaal gudaha degmada Baargaal ayaa Maantay U
fariistay Imtixaankii Teeramkii koowaad ee Sanad dugsiyeedka 2012 /
2013.

Mar aanu soo booqnay Xarunta Dugsiga Hoose Dhexe Sare ee Bilaal oo uu
imtixaanku ka socday ayaa waxaa noo muuqanayey sida ay ardeyda ugu
diyaar garooween ka qeyb galka Imtixaanaadka,qaar ka mid ah Ardeydii
aanu kula kulanay dugsiga ayaa waxay noo sheegeen in ay ku faraxsan
yihiin Imtixaanaadka,islamarkaana ay rajeynayaan in natiijooyin wax ku
ool ah ay ka soo hoyin doonaan Daruustii ay barteen.

Shaafici Yuusuf Cismaan Maamulaha Dugsige Hoose dhexe Sare ee bilaal
oo warbaahintay uga waramay Imtixaanka Sanadka iyo Horumarka uu
iskuulku Gaaray mudadii maamulkoodu joogeen ayaa rajo wanaagsan ka
muujiyey Howlaha Imtixaanaadka ee hadda ka socda iskoolka baargaal ,
iyo waxbarashada degmada isagoo sheegayna in dhowaan ay soo
gabagaboobi doonaan,islamarkaana marka uu Imtixaanaadka uu dhamaadana
ardeydu ay geli doonaan Fasax gaaban inta aan qaybtii labaad ee
sanadka la bilabin ,waxuuna ugu Baaqey cid kasta oo gacan ka geysan
karta Taageerada Waxbarashada deegaanka in ay si diiran ugu soo
dhaweynayaan.

Waxaana uu dhinaca kale uu soo hadal Qaadey in ay jiraan arday badan
oo waxyar uga harsanyihiin Waxbarashada Dugsiga sare , loona
Baahanyahay in deeqo Waxbarsho Jaamacadeed oo loogu faa,ideynayo
Ardeyda ka Qalin jbisa Dugsiga Sare,

Imtixaanka maantay ayaa ahaa mid Daabacan oo ardayda fasalada la
isku shaandheeyay , laguna galaayay nambar , taas aad u yaraysay
qishkii una sahay macalimiinta inay kantoroolaan ardayda


Maxamed ibraahim axmed
Baargaal - Gobolka Bari
Developed by Jago Desain