Baargaal : Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyay arday dhamaystay tababar caafimaad oo lix bilood ah

Waxaa baargaal ka dhacday Xaflad shahaadooyin lagu siiyay arday
dhamaysatay tababar caafimaad , Xafladda oo ahayd mid kooban ayaa
waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin sar sare oo ka socday ururada
Bulshada , Ganacsato , iyo culumaaudiin iyo marti kale oo lagu casumay
xafladda

Ugu horayntii xaflada waxaa daah furay maamulaha machadka caafimaadka
ee horyaal , Mudane siciid maxamad maxamuud ( siciid dhagiig ) oo ka
hadlay dadaalka ay u galeen in ay soo saaraan arday si wanaagsan loogu
tababaray xirfadda caafimaadka ,

Siciid dhagiig ayaa si qoto dheer uga hadlay , baahida caafimaad ee
xoogan ee ka jirta degaanka, taas oo ku kaliftay ayuu yiri inaan
abaabulno Furitaanka machad caafimaad oo soo saara dad xarumaha
caafimaadka ka hawl gali kara iyo kalkaaliyaal caafimaad .

wuxuuna intaasi ku daray in ardayda ka qalanjabisay machadka
caafimaadka ee horyaal in ay heleen inta ay baranaayeen maadada
caafimaadka oo dhamayd muddo lix bilood ah , tababro joogto ah sida
loo durro dadka , iyo shanta qaybood ee uu u qaybsamo duriinku ,
tollida iyo sida loo rakibo faleembada iyo waliba sida ugu haboon ee
loogu gargaaro qofka shilka galay , iyo sharciyada kaalkaaliisinimada
iyo ujeedooyinka loo barto caafimaadka

Dr. Siciid dhagiig ayaa sidoo kale xusay in ardaydani ay soo qaateen
dhamaan cuddurada faafa iyo wax yaabaha sababa cudurada , kahortaga
iyo daawooyinka guud , quudinta , lafaha , qaab dhismeedka jirka iyo
dhaaamn qaybaha kala duwan ee gargaarka degdega ah

waxaa kadib ka hadlay xaflada macalimiin , ganacsato , oo dhaamn amaan
u soo jeediyay machadka caafimaadka ee horyaal iyo maamulkiisa ,
ayagoo sheegay in ay jirtay baahi xoogan oo loo qabo adeegyada
caafimaadka degaanka gudihiisa

ugu danbayntii waxaa lagu gudoonsiiyay ardaydii dhamaystay tababarka
caafimaad shahaadooyin , ardaydaas oo dhamayd 16 gabdhood , waxaana
isla goobtaa ka bilaaban tay diiwaangalinta ardayda dufcada labaad.



Shabakada Baargaal.net
Isha wararka horumarka baargaal
Developed by Jago Desain