Default Image

Months format

Show More Text

Load More

Related Posts Widget

Article Navigation

Contact Us Form

Close
  • Home
  • Menu
  • _Short Codes
  • _About us
  • Sitemap
  • Contact us

BAARGAAL.NET

News & Information From Somalia

  • Home
  • News In English
  • featured
  • Video
  • Technology
  • Sports
  • Food
  • Menu
  • _Sitemap
  • _Contact Us

Gabay Amaan - Cabdulqaadir Xirsi Yamyam

Gabay , gabay qoraal ah , yamyam   
Admin
January 16, 2013


Indhoweyd ga'dii ka tegey gocashadeediiye

Ma googoynnin maansooyinkii igu gulaalnaaye

Garaadkayga sheekada haddaan gelin ka faalloodo

Gebi maaxday iyo xareed galacle weeyaane

Guuxaygu waa sida libaax kaynta soo galayee

Waa fiinta galabtii cidiyo galawga fiidkiiye

Waxaan uga golleeyahay haddaan idin garwaaqsiine

Xiisahayga gaarka ah haddaan soo gudbiyo caawa

Gu'yaal badan ninkii soo jiree guudka ka cirraystay

Iyo kii garaad lihiba way garan karaayaane

Bal guddooma faallada halkaan uga gol jeexaayo

Guurti talisa, Golaheenna Sare, odayo loo guuxay

Guddidii Af Soomaaligiyo geeshka iyo xoogga

Gobal taliye agaasiimaha guud hawl intii gudata

Dadka ganacsadiyo beeraley nimanka gaadiidka

Dugsiyada kuwaa noo galiyo ubaxa gaagaaban

Oo inay gadaa noo tashaan dhaxalku gaarsiiyo

Gugumaha abeesada gudiyo mici lamaareyda

Iyagoon halaq gooya iyo gocondho eegeynnin

Abaar guun ah meel geed la'iyo gubato qiiqaysa

Giyi ebera jiila! gurracan oo gaaja iyo oon le

Ayagoo an sahay gaarta iyo guuyo badan haysan

Iyagoon gargaar qolo ka rabin garab inay siiyso

Iyagoon gashiga qaadanayn oo gunnimo diiddan

Gobannimada iyagoo harsaday calanka guudkooda

Waxay goobayaanoo hurdada gama'a loo diiday

Inay libin ka gaaraan dhulkii gaaxsanaan jiraye

Allahayow ku guulee hadday gacanta qaadeene.

Gabay gabay qoraal ah yamyam
Admin

yamyam

Contact Form

Name

Email *

Message *

All Rights Reserved by BaargaalNet © 2023
Baargaal.Net is designed to provide reliable up to date news reports, studies and analysis on current issues and problems of concern to the local People encompassing political, social and cultural fields