Somalida oo ka caqli badan Carabta & Afrikanka

Cilmibaaris ey sameeyeen dalal badan oo reer-galbeed ahi uguna
horeeyaan ingiriiska ayaa si ay uga salgaadhaan qaab-dhismeedka
maskaxda soomaalida waxa ey cilbaaritoodu kusoo gaba-gabeeyeen in
dadka Somalidaahi ey yihiin dadka ugu caqliga badan qaaradaha Afrika &
Carabta.


NATIIJADA CILMIBAARISTA:
:-

Soomaalida waxay ka aqli badan yihiin jareerta iyo timo-adeyga 200 oo jeer
:-Soomaalida waxay ka aqli badan tahay carabta 100 jeer.
:-Sidoo kale Soomaalidu waxay ka aqli badan yihiin itoobiyaanka 60 jeer
Jinsiga soomaali waa jinsi aad u fir-fircoon oo lagu yaqaano tayo iyo
waxqabad una sii dheer tahay
geesinimo xad-dhaaf ah.
Taariikhda Soomaalida oo dib loo raaco ayaa lagu arkayaa in
astaamahaas kor ku qeexani yihiin kuwo xaqiiqda xiriir la leh, waxaana
tusaale gaaban kuugu filan qodobadan soo socda oo tiir u noqonaya
hadalka dulucdiisa.
1- Ummadda Somaaliyeed diinta islaamka iyaga ayaa ugu horeeyey wax
qaata walibana magangalyo siyaasadeed u fididay asxaabtii
2- Soomaalidu waxay xiriir joogta ah la lahaayeen xukuumaddii fircoon
oo taariikh 10,000 oo sano leh ku fadhida, marka faraaciintu dhulka
soomaaliyeed ugu magac-dareen dhulkii ilaahyada ama dhulkii udgoonaa
waxaa ay u muujisay in dadkani yihiin dad ka horeeya dadyowga kale ee
aduunka ku nool, taasina waxay keentay in soomaali xiriir la suubsato
awoodaas iyada ahi ee xiligaasi adduunka ka jirtay.


3- Soomalidu waxay dagaal cad la gashay awood ka itaal badneyd oo ay
ka mid ahaayeen ingiriis, faransiis, talyaani, boortiqiis , mareykan
iyo waliba amxaaro oo adduunka oo dhami taageerayey.
Sayidka kaliya ayaa 21 sano dagaal kula jirey ingiriis, faransiis,
talyaani iyo amxaaro illaa soomaaliya noqoto dalkii ugu horeeyey ee
diyaarad lagu soo weeraro 1919kii.


4- Soomaaliya waxay ka midka tahay dalalka hiddaha iyo dhaqanka
goonida u ah oo walibana afka soomaalidu ku hadlaan xambaarsan yahay
sugaan iyo hadalo waaweyn oo murti lihi kana horeeya afafka adduunka
ka jira sida ingiriiska, talyaaniga, faransiiska iyo kuwo kale oo
badan.
Hadaba intaasoo amaan ahi iyadoo isku raacday ayaa hadana Somalidawaxa
uu ilaahay ku ibtilay cudur ey dodyowga kale ee caalamku qabin kaasoo
ah cudurka Qabiil oo hadba marki ey sare usoo kici rabaanba la hara.
Waxaa kaloo intaa u dheer Somalidu in ey iyada dhexdooda isku yihiin
cadow islamarkaana waxba isu quurin.


Nasiib darro caalamka oo dhami waxa ey wadada uga tageen oo ey
dhaafeen Somali inti ey iyaga isku maqnaayeen oo ey qabiil-qabiil isku
cunayeen.

Marka bal ma ka faa'iidysandoonaan fursada ay hada haystaan oo caqliga
lagu tilmaamay ma isticmaali doonaan

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain