Urur siyaasadeedka Midnimo oo qabtay shirweynahoodii ugu horeeyay

Ururka mucaaradka ah ee Midnimo oo ka mid ah ururrada siyaasadeed ee
ka jira Puntland ayaa shirweynihiisii ugu horreeyey waxa uu uga furmay
magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kaasoo ay ka qeybgaleen
boqolaal qof oo isugujira xubnaha ururka iyo dad kale oo taageersan
ururka.
Qaar kamid ah ergooyinkii ka qeyb galay shirka ayaa sheegey in
gobolada Puntland oo dhan uu xafiisyo ku yeeshey ururka midnimo
islamarkaasna uu bilaabayo hawlihiisa shaqo, iyagoo intaas ku daray in
taageerayaasha ururku ay aad u farabateen, maadaaba uu balan qaaday in
uu la imaandoono isbedello hormarineed iyo xoriyatul qowl.
Gudoomiyaha kMG ee ururka Midnimo Dr. Saadiq Eenow oo khudbad dheer
ka jeediyey furitaankii shirka ayaa sheegey in ururku uu ka duulayo
mabaadii'da iyo qiyamka umadda kuna shaqeyndoono nidaamka dastuuriga
ah ee Puntland,
wuxuunaintaas ku daray in uu ururku ka qeyb_qaadandoono yagleelidda
Puntland cusub oo ku timadda talo wadaag iyo caddaalad.
Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa sheegey in ururka Midnimo uu taageerayo
dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaasna uu kala
qeyb_qaadandoono tallaabo kasta oo Soomaaliya la isugu keenayo.
Shirka maanta magaalada Garoowe uga furmay ururka Midnimo ayaa
socondoona muddo 2 maalmood ah, waxaana la filayaa in lagu doorto
hoggaanka rasmiga ah ee ururkaas.
Shabakada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain