Faalo :Gobolka Baargaal Taariikh iyo Horumar



Tan iyo sannadkii 2004  waxaa ay dadweynaha ku nool Degmada Baargaal raadinayeen in Degmada Baargaal laga dhigo gobol buuxa oo leh xuquuda ay gobolada kale ee Puntland Leeyihiin 

Waxa xaqiiq ah in ay Baargaal leedahay oo ay buuxisay waa hore shuruudaha lagu noqdo gobol. Shuruudahaas waxaa ka mid ah dhaqaale iyo tiro dad iyo baaxad dhuleed , iyo horumar dhinaca adeegyada bulshada sida , Biyaha , Korontada , Isgaarsiinta iwm 

Hadii Gobolka Baargaal la bar-bar dhigo gobolada kale ee Puntland , waxa kuu muuqanaya in ay qaar badan ka horeeyso. Nasiib daro weli Baargaal looma aqoonsan in ay Gobol tahay, taana waxa Hortaagan weli lama garan !!!

In kasta oo aan ogahay in aragtida koowaad ee dadka akhrista faaladan ay kala duwanaan doonto , hadana waxaa dhamaan maskaxda lagu hayaa qodobo , caqab ku ah Gobolka :

waxaa Jira Rag Iskood ushaqa-tegay oo Xilal Kala duwan haya  , laakiin waxay nimankaasi ilaawayn in  aan Miisaan Siyaasadeed lagu badali karin waaqic laguna dhisi karin magaalo . nimankaas waxaa leenahay Habar fadhida Lagdin la fudud!”.socda oo magaaladiina dhista ...

Murti Soomaaliyeed baa tiraahda : “Xukun waxaa kaa qaada: GAR QALLOOCAN, GACAN LAABAN iyo GUDDOON JILICSAN” , Murtidaasi waxay ka tarjumaysaa nimanka horboodaaya Barnaamajka Gobolka Baargaal , inta go’aan qaataan haddana ka laabta... 

Ugu Danbayntii markii wax laysku qabto oo laysmari waayo , oraahda caanka ah ee gobolka baargaal hada ka calanwadaynaysa waa “Indhahaa kuu Macallina” 

Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Baargaal 
Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain