Heshiiskii Dowladda Federaalka Soomaaliya La gaartey Dowladda Puntland

Heshiiska ayaa ka koobaqan qodobadan:

1. KOR UQAADISTA KALSOONIDA IYO XIRIIRKA DFS IYO DOWLADDA PUNTLAND:

Labada dhinac waxay isla gaareen heshiis ka kooban 7 qodob sida hoos ku xusan:

1.1: In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada
dowladood la isna dhaafsado booqashooyin, lana ilaaliyo Protocol ka
dowliga ah.
1.2: In la dhiirigaliyo wada shaqeynta hay,adaha kala duwan ee
Puntland iyo Dowladadda Federaalka.
1.3: In la dhaqan gelliyo dhammaan heshiisyadii dhexmaray Puntland iyo
dowladihii KMG ahaa wixii aan ka hor imaanayn dastuurka.
1.4: Ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka.
1.5: In la joojiyo lagana hortago wax kasta oo wax u dhimi kara
xiriirka iyo wadashaqaynta labada dhinac wixii tabasho ahna lagu
xaliyo wadahadal

2. 0: ISKAASHIGA AMNIGA:

2.1: Isdhaafsiga Xogta, khibradaha iyo isku xirista hayadaha Nabadgalyada.
2.2: Waxaa la isla gartay soo dhawaynta qaadista cunaqabataynta hubka
ayadoo la iska kaashanayo xaga hubka iyo saanadda ciidamada.
2.3: Dhisidda ciidan qaran oo isu dheelitiran iskuna dhafan, lagana
soo qoro dhammaan gobalada iyo degmooyinka dalka.
2.4: In si wadjir ah looga wada shaqeeyo la dagaalanka argagaxisada
iyo burcad badeedka.
2.5: In dowladda federaalka ay dayactirto maamushana xeryaha loo
aqoonsado inay yihiin xeryo heer qaran.
2.6: Waxaa lagu heshiiyey in ciidamada Nabadgelyada Puntland laga
caawiyo gunooyinka, isgaarsiinta, Gaadiidka, tababarada iyo
agabka(logistics).

3. 0: DHAQAALAHA IYO HOUMARINTA:

3.1: Waxaa la isku raacay inay jirto baahi deg deg ah oo ku saabsan
sidii loo helli lahaa Shillin Soomaali cusub.
3.2: Waxaa la isku raacay baahida loo qabo jaangoynta iyo midaynta
canshuuraha (Tarifs) dalka oo dhan.
3.3: In la iska kaashado hurumarinta iyo kobcinta maamulka maaliyadeed ee dalka.
3.4: In DFS dadajiyo shirciga maalgashiga shisheeye lagana
faa,iideysto khibradda Punland.
3.5: In Puntland saamigeeda ay ka hesho dhammaan mashaariicda
horumarineed iyo banii,aadanimo ee heer qaran ayadoo DFS soo
dhawaynayso una fududaynayso ciddii caawinaysa Puntland.
3.6: In loo hawlgalo wadashaqaynta iyo midaynta hayadaha socdaalka
(immigrations) .
3.7: Waxaa la isla gartay in DFS ay saami ku yeelato dakhliga dekedaha
iyo garoomada diyaaradaha si waafaqsan dastuurka.

4. 0: SAMAYNTA DOWLADAHA FEDERAALKA KA MIDNOQONAYA:

4.1: Waxaa labada dhinac isla garteen in Dowladda Federaalku ay dardar
geliso nidaamka federaaleynta dalka si waafaqsan dastuurka isla
markaana ka hortagto wax kasta oo wax u dhimi kara taaba gellinta
dhismaha dowlad gobaleedyada.

5.0: HANAANKA GEEDI SOCODKA DIMUQRAADIYADA PUNTLAND

5.1: Waxaa labada dhinac isla qaateen in la bogaandiyo lana dhiiro
gelliyo hannaanka geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland, isla
markaasna la dhowro shuruucda iyo xasiloonida Puntland.
5.2: DFS waxay taageeraysaa lana soconaysaa geedisocodka
dimuqraadiyadda Puntland.

6.0: ISU CELLINTA HANTIDA LA HAYSTO:

6.1: Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in DFS dadajiso isu cellinta
hantida gaar ahaaneed si loo hello dib u heshiisiin dhab ah, ayadoo la
magacaabayo Guddi heer qaran oo madax banaaan go,aamadiisuna yeeshaan
awood fulineed.
6.2: Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in DFS dadajiso dib u soo
cellinta hantidii qaran gudaha iyo debada.

7.0: SAMAYNTA AQALKA SARE EE BAARLAMANKA FEDERAALKA:

7.1: Waxaa la isla qaatay in DFS dedejiso dhismaha aqalka sare ee
baarlamaanka si waafaqsan Dastuurka Federaalka.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain