Kulamadii horyaalka ingriiska: Chelsea oo is xoreysay iyoTotenham oo Taako loo dhigay

dhowr kulan oo ka Tirsan Horyaalka ingiriiska ayaa Xalay ka
qabsoomay Garoomada Caasimada London ku Yaala Waxaana kulamadaasi oo
xiiso Badnaa afka ciida loo daray Tptenham oo u dhacday Kaalinta 4 ka
dib Markii 0-1 ay uga Badisay Fulham oo Marti u aheyd waxana Goolka ka
dhaliyayTotenham Weeraryahan Berbatov oo hore Naadigasi ugu Ciyaari
jiray Daqiiqadii 52,iyadoo Guuldaradan ay hakisay Totenham ka dib
Markii Chelsea oo ka ag dhaweyd ay si xarago leh ay ku maquunisay West
ham oo marti u aheyd,waxaana ay ku sagootiyeen 2-0 Goolasha Chelsea oo
kala dhashay 2 qeybood waxaa qalinka ku kala duugay Lambard iyo Hazerd
Kooxda Chelsea oo siw eyn uga gacan sareysay Kooxda west ham waxaa ka
qasaariyay fursado dhowr ah Demba oo u sita Lambarka 29 afkana horena
uga ciyaara.
Totenham iyo Chelsea oo ku dagaalamayay Kalainta 3 ee Horyaalak
ingiriiska 2012-2013 waxaa Xalay la wareegay Chelsea oo hada iska leh
55 dhibcood isla markaana faraqa ku heysata Ciyaar Baaqi ah,Halak
Totenham ay ka leedahay 54 dhibcood
Kulmadii kale ee shalay iyoXalay ka qabsoomay garoomada London ku
yaala sidatan ayey u dhaceen
Wigen vs Newcastle 2-1
Sunderland vs Norwich 1-0
Horyaalka oo Meertadiisii 2 uu Marayo meel xaasaasi ah waxaa sii
carbuunatay hanashada koobkaan Naadiga Man utd oo leh 74
dhibcood,waxaa ku xiga Man city oosoo rucleyneysa 59 si weyna looga
dhaqaajiyay,Kalainta 3 Chelsea aayay ku heysa 55 dhibcood,Totenham
Kalainta 4 iyo 54 dhibcood,Arsenal Kaalinta 5 iyo 50 dhibcood
Horyaalka waxaa ugu hooseeya 2 naadi ee kala ah wigen oo leh 27
dhibcood,Reading oo leh 23 dhibcood iyo QPR opo leh 23 dhibcood.
Developed by Jago Desain