Maxaad Ka taqaan Faaiidooyinka geedka moringa oleifera

Maxaad Ka taqaan Faaiidooyinka geedka moringa oleifera

Geedkana magaciisa la yiraahdo Moringa oleifera waa geed faaiidooyin badan leh

-Nafaqadiisa

Nafaqada ku jirta Moringa aad bay u badan tahay inta la yaqaan waxaana
ka mid ah Vitamins, Minerals iyo Antioxidants, nafaqooyinkaasi waxay
lagama maarmaan u yihiin koritaanka, caafimaadka iyo quruxda dadka iyo
nafleyda oo idil.
Cudurada uu daawada u yahay waxaa ka mid ah- sonkorta-dhiig karka iyo
ugu yaraan 300 cudur oo kale.
Moringa dhulka Soomaaliya dabiici ahaan buu uga baxaa.

Xubnaha geedka Moringa

- Caleenta –qoyaan iyo qallayl waa lagu cunaa, wax walba oo la
cunayana waa lagu daraa,Waxaa loo cunaa si joogto oo ugu yaraan uu
qofku cunaa sacab caleen qoyan ah markiiba ama qaaddo caleenta oo
qallalan ah. Qado, quraac iyo casho. Waa lagu cadaydaa oo wuxuu
leeyahay hah afka, dalqada iyo uurka nadiifisa

Abqda iyo miraha ku jira- ceeriin waa lagu cuni karaa. Abqda waa lagu
kariyaa suugada iyo bariiska, waxaa laga cunaa miro digirta oo kale
ah, abqada inteeda kalena waxa loo rugaa sidii quwaaxa. Hadii biyo
lagu kariyo waxaa ka baxa maraq calooshu ku baxdo oo aad nafaqo bada

-Mayraxda-dhacaankeeda meeshii dhaawac ah ayaa lagu daweeyaa

-Xididka -waa daawo waxaase ku jira kiimiko dadka wax u dhinta haday
iska badiyaan.
The roots contain an alkaloid potentially having nerve-paralyzing properties
Moringa sida loo beero- geedku intuu yaryahay biyo aad u badan uma
baahna, biyaha badana way dilaan oo wuu qurmaa.
-Sida geedka Moringa mirha looga beero.
Miraha waxaad ku ridaa weel biyo ku jiraan, afar iyo labaatan saac ka
dibna miraha soo saar oo diirka kore ka (diir) fiiq, meeshaad ku beeri
lahayd ku aas. xubinta hore oo fartaada miruhu ciidda haka hooseeyeen.
Miruhu waa in ay dareemi karaan kulaylka qoraxda si ay dhaqso ugu soo
baxaan.
Laanta inta la gooyo ayaa iyadoon aan caleen iyo laamo yaryar lahayn
sidii tiir salka loo aasaa, Usbuucii laba goor ayaa biyo lagu
waraabiyaa, lixbilood ka dibna miro ayuu geedku dhalayaa.
Sida Moringa laamaha looga beero
Laanta markaad goyneysid sidaan u jar , hadii kale biyaha roobka ayaa
qurminaya lanta. Dhanka kore iyo dhanka hooseba sidaan u jar
Xoolaha ka celi geedku markuu yaryahay iyo markuu weynaadaba, geedka
oo weyn xitaa xooluhu jirridiisa ayay xaganayaan ball eeg masawirkaan
, ri'du siday u xagatey geedka.

Saliida laga miiro Moringa
Miraha Moringa waxaa ku jirta saliid, Sida sisinta ayaa loo tuujiyaa
mirha moriga is looga miiro saliid la mid ah saliida Olive oil.
-Saliida Moringa oo loo yaqaan( Ben oil) ur malaha , mana xumaato afar
sano, waa saliid la cuni karo , waana saliid oogada iyo timaha aad ugu
fiican.
-Maakaalaka ka soo hara marka miraha saliida laga miiro, 65% waa
protein, dadka iyo xoolaha ayaa cuna , geedahana waa lagu nafaqayn
karaa, biyaha wasaqda ahna waa lagu qasaa si loogu nadiifiyaa.
Developed by Jago Desain