Posts

Muqdisho oo ay kusoo badanayaan Meydadka laga helaayo wadooyinka

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho kusoo badanayey
meydadka dad la dilay oo laga helayo qeybo kamid ah degmooyinka ay ka
kooban tahay magaalada Muqdisho.

Meydadkan ayaa qaar waxay kamid ahaayeen dhalinyaro dhawaan ay
ciidamada Sirdoonka iyo Amniga ay qabteen oo lagu eedeeyey inay xubno
ka ahaan jireen Kooxda Al Shabaab iyo kuwo kale oo la sheegay inay
dhawaan kasoo goosteen Al Shabaab oo ay usoo galeen dhinaca dowlada.

Ehelada qaar kamid ah dadkan meydadkooda xalay laga helay degmada
Deyniile ayaa sheegay in dhalinyaradaasi qaar kamid ah ay ku jireen
kuwii dhawaan ciidamada Amniga Saxaafada usoo bandhigeen oo ku
sheegeen inay kamid ahaayeen Al Shabaab laguna soo qabtay hawlgalo
magaalada laga sameeyey.

Ma jirin wax xukun Maxkamadeed ah oo lagu riday dhalinyaradan oo
qaarkood hada laga helay wadooyinka magaalada Muqdisho meydadkooda oo
ay ka muuqdaan rasaas badan oo lagu dilay. Afar meyd ayaa xalay laga
helay degmada Dayniile.

Halka sidoo kale degmada Yaaqshiid oo kamid ah goobihii hawlgalada
ciidamada ka sameeyeen todobaadkan laga helay meydad kale.

Illaa iyo hada dowlada Soomaaliya ayaan ka hadlin meydadka
dhalinyaradan la sheegay inay markii ugu danbeysay ku jireen gacanta
dowlada, waxaana la ogeyn sababta dilkan loogu geystay qaar kamid ah
oo iyagu la sheegay inay isa soo dhiibeen oo ay dowladu dhawaan cafis
u fidisay.
Developed by Jago Desain