Shirka Jaamacadda Carabta ee Dooxa oo lasoo gabagabeeyey

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray intii uu socday dhibaatooyinka
dalka Suuriya , Falastiin , waxaana madaxda carabta ee shirka ka
qaybgalay ay isku raaceen teegeeridda dalalka Carabta ee
dhibaatooyinka ay ka jirto.

Madaxwaynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan uga
qaybgalay wadanka Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu la kulmay qaar ka
mid ah hogaamiyeyaasha carabta oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka
diblumaasiyadeed ee Soomaaliya.

Shirka jaamacadda Carabta ayaa sanadkan kusoo beegmay xilli Soomaaliya
ay ka baxday marxaladdii KMG ahayd oo ay kusoo jirtay muddo 21-
sanadood caalamkana uu aqoonsaday dowladda cusub ee dalka lagu dhisay.

Qoraalka laga soo saaray shirka Jaamacada Carabta ayaa waxaa madasha
ka akhriyey Axmed Bin Hili Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Jaamacada
Carabta.

Wadamada Jaamacada Carabta ayaa isku raacay in dalalka xubnaha ka ah
Golahaasi ay hub siin karaan Mucaaridka la dagaalamaya xukuumada
Bashaar Al Assad ee dalkaasi Siiriya.

Shirweynaha Carabta ayaa waxaa ka qeyb galay hogaanka mucaaridka oo
loo ogolaaday inay metelaan dalkooda.

Qodobada shirka Carabta looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa taageerida
dowlada cusub ee Soomaaliya si dib u dhis iyo nabadeyn loogu sameeyo
Jamhuuriyada Soomaaliya.

Bayaanka kasoo baxay Jaamacada Carabta ayaa lagu soo dhaweeyey
isbedalada dhanka maamulka iyo Amniga ee ka jira dalka Soomaaliya.

Waxayna Jaamacada Carabta si buuxda u taageertay hawlgalada ay wadaan
ciidamada AMISOM iyo gacanta ay ciidamadaasi siinayaan Militariga
dowlada Soomaaliya.

Bayaanka Jaamacada Carabta ayaa ku baaqaya in wadamada Carabta iyo
Caalamka ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo sidii
loo soo celin lahaa xiriirkii diblumaasiyadeed ee wadanka Soomaaliya
iyadoo dib loo furayo safaaradihii caalamka iyo Carabta ku lahaan
jireen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Go'aanka kasoo baxay Shirweynaha Jaamacada Carabta ayaa sidoo kale
lagu heshiiyey in la sameeyo Sanduukh wadamada Carabta ay lacag ugu
aruuriyaan caawinta Falastiiniyiinta iyo waliba magaalada Barakeysan
ee Qudus oo xiligan olole dhulbalaarsi ah ka wado maamulka Isra'iil.

Shabakada Baargaal.net
News Desk
Developed by Jago Desain