Posts

Wiil Dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay Bosaso

Kooxo hubaysan ayaa xalay kudilay magaalada Bosaso Allaha ha
unaxariistee marxuum lagu magacaabi jiray Mustafe Ibraahim Jeneraal.

Waxaa marxuum Mustafe lagu dilay xaafadda Raf iyo Raaxo ee bariga
magaalada Bosaso sida goobjogayaal u sheegeen Pn24.
Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa gaaray goobta dilka uu kadhacay
halkaasi oo ay howlgallo kasameeyeen, ma jirto wax war ah oo ay soo
saareen oo ku' aadan dadka dilka gaystay inay soo qabteen iyo inkalle.
Ibraahim Jenereel oo ah aabaha dhalay marxuumka dhintay ayaa ah
siyaasi siweyn looga yaqaano gobolada Puntland, waxaa sidoo kale uu ka
mid ahaa aasaasayaashii Puntland iyo jabhaddii SSDF oo ka mid ahayd
jabhadihii dalka Soomaaliya soo maray
Developed by Jago Desain