Dalalka G8: Waan taageeraynaa Soomaaliya

Shir qaatey laba maalmood oo ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha
dibadda ee dalalka wershedaha ku hormarey ee la isku yiraahdo Kooxda 8
ama G8, kaas oo ka dhacay magaalada London ayaa ajandihii ay uga
hadleen waxaa ka mid ahaa xaaladda dalka Soomaaliya.

Wasiirada G8 ayaa soo dhaweeyey hormarka Soomaaliya ku talaabsaneyso
18 bilood ee u danbeeyey, taas oo ay door weyn ku lahaayeen Midowga
Afrika.

Shirka ayaa lagu soo hadal qaadey Shir Soomaaliya loogu qabanaayo
magaalada London 7 May 2013, kaas oo Soomaaliya hormuud ka noqoneyso
isla amrkaana la doonayo in lgu taabo geliyo Ciidamada Amaanka,
Garsoorka iyo maamul hagaagsan oo daahfurnaan ah in Maaliyadda
Soomaaliya yeelato.

Shirka London ayaa la sheegay in uu xigaayo mid kale oo dalka Japan
lagu qaban doono oo iyaguna ka mid ah dalalka la isku yiraahdo G8,
kaas oo xoogga lagu saari doono sidii amaanka Soomaaliya loo hormarin
lahaa.

Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka G8 ayaa ku booriyey Dowladda
Soomaaliya in ay qaadao door hoggaamineed isla markaana ay wax ka
qabato arrimaha bini'aadanimada, lana nidaam isla xisaabtan leh.
Developed by Jago Desain