Facebook Oo Saareysa Taleefan Gacnta Ah

Shabakada Xiriirisaka Bulshada ee Facebook, oo ka mid ah ama kaalinta koowaad kaga jirta shabakadaha lagu wada xidhoodho, ayaa la sheegay in khamiista inagu soo foolka leh ay soo saarayso telefoonkii ugu horeeyay ee Facebook ah, sida ay ku warantay jariirada New York Times ee ka soo baxda dalka Maraykanka.
Jariirada New York Times ayaa cadadkeedi ugu danbeeyay kaga warantay, telefoon cusub oo facebook soo saarayso, kaas oo jariiradu sheegtay in ay u samaynayso shirkada farsamaynta telefoonada qaabilsan ee lagu magacaabo, (HTC), waxaanu telefoonkaasi noqon

doonaa mid ku shaqeeya nidaamka (Android System-ka loo yaqaano.
New York Times, ayaa qoraalkeeda kaga warantay oo kale, qaab ahaan in telefoonkaasi noqon doono, mid u shaqeeya ama aad ugu fudud isticmaalka Facebook, waxa kale oo ay jariiradu sheegtay in xog tani ka soo gaadhay dad codsaday in aan la magac dhabin, hasa yeeshee uu si fiican u kala cadaan doono warkaasi maalinta khamiista todobaadkan oo la qorsheeyay in la soo bandhigo.

Dhinaca kale shirkada maamusha shabakada xidhiidhka bulshada Facebook, ayaa warbaahinta kala duwan ee caalamka ka codsatay in maalinta Khamiista ay isugu yimaadaan, xarunteeda guud ee degaanka, (Menlo Park oo ku taala Gobolka California).

Qoraal shirkadu soo saartay ka dib markii New York Times ay warkaas daabacday ayaa warbaahinta qaybaheeda kala duwan ku war galiyay, in maalinta khamiista ee afarta April ay shirkadu xarunteeda guud ee degaanka, Menlo Park ee gobolka California ku soo bandhigayso telefoonkeeda cusub ee gacanta.
Warbixintii ugu danbaysay ee laga sameeyay shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook, ayaa daaha ka rogtay in dadka isticmaala, shabakadaas ee dunida dacaladeeda ku kala nooli kor u dhaafeen kun milyan amah hal bilyan, taas oo noqonaysa heerkii ugu saraysay ee shabakad xiriirisaa bulshada gaadho.
Warbixintan ayaa tilmaantay sidoo kale in boqolkiiba lixdan ku dhawaad dadka soo gala shabakadaasi ay ka isticmaalaan, telefoonadooda gacanta, taas oo ka dhigaysa in wax ka badan lix boqol oo milyan oo qof, shabakada ka soo galaan mobile, waana sababta la aaminsan yahay inay ku kaliftay in shirkadani samayso Mobile si gaar ah barnaamijkeeda ugu shaqaynaya ama adeegsigiisu macaamiisheea u fududaynayo isticmaalkeeda.
Developed by Jago Desain