Gabay Cajiib ah : Rafiiq malaha qabyaaladi waxay rogto mooyaane

qabiil waa isir iyo abuulan Soomaalidu ku abtirsato taasoo ay ula siman tahay bulsho-weynta dunida ku nool oo sidaas asalkoodii hore u raad-raaca.

Ceebi kuma jiri karto in qabiilka loo arko tilmaan beeleed oo keliya ee aan laga laalaadin kolmo ceebeed.

Marka waxaan halkan idinku soo gudbinayaa Tix gabay ah oo cajiib ah oo ka hadlaysa hooga iyo halaaga qabyaaladda laga dhaxlo tixdan oo la magac baxday Rafiiq malaha qabyaaladi waxaana tixdaas tiriyay ama curiyay maanmaal‬ Gurxan

Ruuman la kala ootiyo, Qaran riiqmay dihataaye
Reero reero laysu diliyo Colaadiyo riyaatey keentaaye
Sokeeye iyo gacal is rabey, Raran dhex dhigtaaye
Rufiyaan mooryaana iyo, Rixin goys bey dhashaaye
Ragrif iyo rayi-gaab bey, Uunka ku raaftaaye
Midan rabiyo ragba aqoonin, Bey rayidaaye
Rabshad ooge aan naaxayn, Bey rabaysaaye
Munaafaq raabakh odeya, Bey ka reemisaaye
Ruqufraaquf qalbiga ka bukey, Soo riixdaaye
Qudhuniyo quudhsi riimayey, Soo rushaysaaye
Rucdiyo naxli huursaniyo, raad xun bey ka tagtaaye
Raxan walaala oo isjecel bey, Kala rookeesaaye
Saqiiriyo raqayo waayeela bey, Ruud-biraysaaye
Raaliyo seygeedey kala geysaa, Ruuxda qaybsadeye

Marka Soomaaalaay

Rafiiq malaha qabyaaladi waxay rogto mooyaane

BAARGAAL.NET
suggaan iyo murtidda afkka somaligga
Developed by Jago Desain