Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyay xilliga rasmiga ah ee laqabanayo doorashooyinka golayaasha deegaanka

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa manta shaaciyay xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Puntland.
Shir jaraa'id oo guddigu uu manta kuqabtay magaalada Garowe ayuu ku shaaciyay in 30-ka June ee sanadkan2013 la qabanayo doorashooyinka golayasha deegaanka ee Puntland oo si wayn loo wada filayay.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka kumeelgaarka ah ee Puntland mudane Maxamed Xasan Barre oo Saxaafada kula hadlay xarunta guddiga ee magaalada Garowe manta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xilliga ay dhacayso doorashada golayaasha deegaanka ee Puntland wuxuuna sheegay in guddigu uu arrintan mudo ka munaaqashoonayay islamarkaana ay dhinacyo badan ka eegeen suurtagalnimadeeda.

Guddoomiyaha oo arrinkan ka hadlaya ayaa yiri " Waxaan rabaa inaan Maanta si rasmi ah u shaaciyo xilliga uu gudiga doorashooyinku u qorsheyey in ay qabsoonto doorashadad Golayaasha deegaanka Puntland oo ah 30-ka bisha June sanadkan 2013 ".

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in qorshahani uu saxiixay madexweynaha dawlada Puntland kuna soo saaray faafinta rasmiga ah sida uu sharcigu qabo, islamarkaana ay tahay in si dhab ah bulsho iyo ururaba loogu diyaargaroobo doorashadaasi sidii ay hab wanaagsan ugu dhici lahayd loogana wada qayb qaadan lahaa.

Dhanka kale guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay arrinta ururada Midnimo iyo UDAD oo hore u qaadacay doorashada golayaasha deegaanka kadib markii wax laga badelay xeerkii doorashada, wuxuuna sheegay in labadaasi urur iyo guddiga uu wadahadal u socdo islamarkaana ay jirto rajo wanaagsan oo ah in ay doorashooyinka ka qayb galaan.
Maxamed Xassan Barre wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si dhab ah loogu diyaargaroobo dooraashooyinkan oo hada ay ka harsan tahay mudo 75 cisho ah, wuxuuna ka dhawaajiyay in guddigu uu guda gali doono hawlo farabadanoo ay ka mid tahay wacgigalinta iyo baraarujinta bulshada,diyaarinta qorshaha doorasho ee Musharixiinta u tartamaysa
golayaasha deegaanka.

Doorashada golayaasha deegaanka ee Puntland kadib waxaa la filayaa inay soo baxaan sadex Urur oo noqonaya Sadexda Xisbi ee Puntland kajiraysa ilaa doorashooyinka kale laga gaarayo.

Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain