Ma iminka iyo qabyaalad by Maxamed Muuse Axmed


Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
C/laahi Suldaan Timacade

Wax qabiil ka daran jahanamaan qiray aqoontayda.
Qadartaana iga hiilisee qolo ma sheegteene.
Abshir Bacaadle

Irir ma ihi daaroodna waan ka ashahaataaye.
Astaqfirullah eebbow adaan ahay adoonkaa.
Nuur  Siciid  Naxar

Qof kasta oo dareen masuuliyadeed iyo damiir wanaagsan leh oo la socda sooyaalka taariikhda, iyo waayaha soomaalida iyo kuf oo kacii bulshada soomaaliyeed soo martay ,isla markaana jecel samaanta iyo horumarka dadka soomaaliyeed iyo higsigooda dadyowga hor u dhaqaaqa ah

 waxa  hubaal ah in aanu  ku faraxsananayn  ifafaalaha muuqda ee isa soo taraya oo ku salaysan isla cudurkii qabyaaladda ee  burburiyay waxqabadkii soddon sano oo dawladnimo ahayd iyo weliba labaatan sano oo ka danbaysay oo wadankii noqday hoyga geerida,gaajada ,kufsiga , barakaca iyo nacaybka(waa qayb taariikhda gashay oo sheekooyinkeeda leh)

Saddexdaas abwaan ee aan tixahooda ku furfurtay oo aan Allah uga baryayo naxariis iyagoo wada hormaray ayaan garashadooda heerka ay gaarsiisnayd iyo welwelka ay qabeen waagoodi la yaabaa hadday joogi lahaayeen manta meesha qabyaaladii la marayso soomaalida ilowga badan ee dhibkooda iyo hoogooda gardaadinaya iyagoo aanba u kala harin.

Maxamed Muuse Axmed
Developed by Jago Desain