Posts

Ogaysiis Ku Socda Bahwaynta calbari ee UK

ASC...

anigoo ah caydaruus cabdi ismaaciil Balbalaare ( xayle ) Waxaan gartay inaan beesha calbari ee UK Shir u qabto,

shirkaas oo aan uga arinsan doonno wixii danteeda ah sida Horumarinta Degaanada Calbari , Taas oo Muhiim u ah wadajirkeena iyo waxtarka dalka iyo dadka iyo sidii aan ugu samayn lahayn caruurta degaankeena Mustaqbal.


shirkaas waxaa ka reeban wax siyaad ah iyadoo loo tixgalinaayo qof waliba fakirkiisa sida wadamada aan ku noolnahay oo xaga siyaasada ku kala duwan isla marahantaa isga mid ah wax qabadka dalkooda.


Shirkaas waxaan qaban doona haduu eebe idmo muddo bil gudaheed ah Wuxuuna ka dhici doona hool londan ku yaala oo dib laga soo sheegi doono .


waxaan si sharaf lah uga codsanayaa bah waynta ku abtirsata calbari meel walba ay joogaan dal iyo dibadba inay shirkaas taageeraan kana soo qaybgalaan ilaahna waxaan ka baryayaa kii khayr iyo guul ku dhamaada inuu Noqdo


wixii talo ah oo aad shirkaas ku darsanayso Waxaa laygala soo xiriiri karaa Cinwaankan hoos ku xusan :


caydaruus cabdi ismaaciil Balbalaare

Email  xayle3@gmail.com
London , UK
Developed by Jago Desain