Qoys isku Haystey Dhaxal oo dhamaan ku Geeriyoodey Weerarkii lagu qaadey Maxkamada Gobolka Banaadir



Iyadoo laba Maalmood laga joogo Qaraxii iyo Weerarkii ka dhacay Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir ayna ku dhinteen Dad fara badan ayaa warar soo baxaya waxaysheegayaan in Qoys Soomaaliyeed oo isku haystey Dhaxal ay ku Geeriyoodeen Qaraxyadii iyo Weerarkii Xarunta Maxakmada Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Qoyska oo ka koobnaa Afar Qof ayaa waxay Maxkamada u tegeen sidii loogu qaybin lahaa Dhaxal la sheegey in ay isku haysteen , waxaana lagu waramey in Qoyskaas ay Taagnaayeen Iridda Hore ee laga galo Maxakamda waxayna ku Wada Geeriyoodey Qaraxii ugu horeeyey ee ka dhacay Maxkamada Horteeda

Baargaal net
Wararka arimaha bulshada
Developed by Jago Desain