Xagee marayaa shirka hirgalinta Dawlad goboleedka Jubaland

Tan iyo markii la ansixiyey Dastuurka Jubaland, lana soo bandhigey calanka Iyo Astaanta Dowlada goboleedka Jubaland, waxaa halkaas kusoo xirmy wajigii labaad, maalin ka dib waxaa bilowdey wajigii sadexaad oo ah qabanqaabada Doorashada Mdaxweynaha oo ay dooran doonaan shan boqol oo Ergo.

Shalay ilaa maanta waxa la diyaarinayay Ergooyinka dooranaya Madaxweynaha waxaana lagu wadaa beri oo arbaco ah 10 april.2013 in ay Ergada dooranaya Madaxweynaha ay diyaar yihiin.
Markii la diyaariyo Ergada waxaa bilaabanaya qabashada arjiyada musharixoonta oo ilaa hada inta lahubo ay jigaan 10 musharax, waxaa ka dib la dhagaysanayaa musharixiinta oo mid walba la siinayo wakhti kooban oo uu ku gudbin karayo sababta uu u doonayo inuu noqdo Madaxweynaha Jubaland,

maalmaha soo socda waxaa lasoo gabagabeynayaa howlaha Diyaarintamusharixiinta.

Dabayaaqada Todobaadkaan waxaa si rasmi ah loo shaacinayaa maalinta la dooranayo Madaxweynaha, waxaana la qorshaynayaa in marka madaxeynaha ldoorto maalmo ka dibna la soo bandhigo Xildhibaanada.
Howlahaan oo idil waxaa la qorsheeyey iney ku dhamaadaan labada usbuucee soo socda, sidasna Dowlada goboleedka Jubaland ee Somaaliya ku dhlato iyadoo ay u dhanyihiin Madaxweyne, Dastuur iyo Baarlamaan, waa sadexda Hay'adood oo saldhiga u ah Dowladnimada, ka dibna Dowlad goboleedka Jubaland sidaas ku bilowdo howleheed Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka Jubaland. Baargaal.net
News desk
Developed by Jago Desain