Axmed kismaayo oo loo magacaabay Agaasimaha guud ee Warbaahinta Puntland

Axmed Maxamed Cali (axmed kismaayo) oo horey uga mid ahaa shaqaalaha laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa Madaxweynaha Dowlada Puntland mudane C/raxmaan Shiikh Maxamed uu u magacaabey Agaasimaha guud ee Warbaahinta Puntland.

Warbaahinta Puntland oo ka koobanTV iyo Idaacad ayaa dhawaan lagu guuleystey in hawada idaacadu soo gasho, iyadoona TV-ga maalmaha soo socda uu hawada soo gali doono sida wararka madaxtooyada ka imaanaayaa sheegaayaan

Axmed Kismaayo ayaa kusoo qorey Barta Facebook-ga ku sheegey "Waxaan laanta Somaliga u soo shaqeeyay 12 sano iyo dhowr bilood waxana ku faraxsanahay kaalintii aan ka qaatay muddadaas warbaahinta Somaliga ee caalamiga ah iyo sidii aan uga soo shaqeeyay gobolka aan u dhashay"

Dikreetada Madaxweynaha uu ku magacaabey Axmed Kismaayo ayaa soo baxdey maalintii shalay,

Shabakada Baargaal.net
nagala soo xiriir:
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain