Daawo Sawirada:Nin Wajigiisa Hilbo Qariyeen oo kabaqaya in loo Dhalo Cunug isaga u eg

Maxamed Ladiif Waa Nin 32-Sano jir ah oo ku nool Gobalka Kashmiir ee Dalka India, Ninkan ayaa dhashay asigoo wajigiisa ay ku yaalan wax yar oo hilbo ah oo aan u ekayn sida uu maanta u muuqdo.

Hilbaha saran Wajiga Ladiif ayaa noqday kuwa ku sii weynaaday oo uu daboolay dhamaan wajigiisa oo idil ilaa uu gaaro in uu wax arki waayo oo uu aragii ka qariyaan hilbaha wajigiisa ku yaala.

Ninkaan ayaa yaraantiisa caruurtu aysan la ciyaari jirin oo ay kabaqi jireen ayaa markii uu weynaaday waxaa uu waayay shaqo uu ku debero noloshiisa maadaama uusan ahayn nin muuqaalkiisu uu caadi yahay dadkuna ay aad uga baqayaan.

Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in Maxamed Ladiif ay u suurta geli weyday in uu guursado Gabar oo ay dumarkiiba ay cabsoodaan ninkaan oo wajigiisa uu ku daboolan yahay hilbo oo aan muuqaalkiisu uusan ahayn mid caadi ah. Balse dalaal waalidiintiisu u galeen ayaa ugu danbayn waxaa loo helay oo uu guursaday haweenay jiis ah oolug ka go`an taas oo sababtay in ay Hada ka welwel ka qabaan labadoodu in uu cunug ku jira caloosha haweenayda ninka uu qabo ninkaani ay dhasho cunug u muuqaal eg .

Ilaah Subxaanahu Watacaalaa ayaa Dhamaan abuuray waxa noolo oo dhan iyo waxa aan nooleyn qof walibana u sameeyay muuqaal qurux badan waxaan in badan oo aadanaha ay ilaawsanyihiin in ilaah ku shukriyaan quruxda uusiiyay una dhameestiray lixdooda lixaad hlak kuwa asaagood ah aysan heysan quruxdaasi lixaadkooduna uusan dhameyn.


Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain