DegDeg :Abuu Mansuur Al-Amriiki oo la toogtay

Warar Caawa na soo gaaray ayaa sheegaya in Kooxo uu soo diray Axmed Godane ay galabta toogteen Cumar Xamaami oo loo yaqaan AbuuMansuurAl-Amriiki.

Fu'aad Shangoole oo Caawa ka khudbeeyay Masjid kuyaala magaalada Buulo-barte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Abuu Mansuur Al-Amriiki la dilay kadib markii iska hor imaad dhexmaray Maleeshiyaadka Axmed Godane iyo kuwa Al-Amriiki.

Shangoole ayaa sheegay in Amriiki lagu dilay agagaarka tuulada Raama-caddey. Wuxuuna xaqiijiyay in kooxo ka tirsan Al-Shabab ay ayaantaan qorsheynayeen shirqool lagu dilayo Abuu Mansuur Al-Amriki.

Cumar Xamaami oo loo yaqaano Al-Amriiki ayaa soo bandhigay todobaadyadii la soo dhaafay sawiro muujinaya in dhaawac soo gaaray , wuxuuna sheegay inuu ka badbaaday kooxo doonayay in ay khaarajiyaan.

Baargaal.net
Nagala soo xiriir
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain