Hay’ada Caafimaadka Adduunka oo ka digtay cudur cusub oo ka dhashay Imaaraadka & Sucuudiga

Hay'ada Caafimaadka adduunka ayaa digniin kasoo saartay cudur cusub oo (Virus) ah kaasi oo la sheegay inuu dilay dad dhawaan booqday dalka Imaaraadka Carabta ama halkaasi ku sugnaa.

Hay'ada World Health Organisation (WHO) ayaa sheegtay in cudurkan oo ka dhasha fayruska (CORONA-virus) ayaa lamid ah ama u eg cudurka hargabka culus ah ee SARS.

Cudurkan illaa iyo hada dilay 18 qof oo dhamaantood la sheegay inay dhawaan booqdeen ama ku nool dalalka Imaaraadka Carabta iyo wadanka Sucuudiga.

Dalka Faransiiska ayaa sidoo kale laga helay labo qof oo cudurkan qaba kuwaasi oo la sheegay in mid kamid ah uu dhawaan dib uga soo noqday magaalada Dubai ee imaaraadka Carabta, halka qofka kalena uu qaadsiiyey cudurkaas.

Balse hay'ada Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in cudurkan uusan weli si baaxadleh ugu faafin bulshada, iyagoo ka codsaday qofkii isku arka QANDHO xoogleh dhawaana booqday dalka Imaaraadka inuu u tago dhakhtarkiisa isla markaana baaritaan lagu sameeyo.

Cudurkan hadii aan la daaweyn ayaala sheegay inuu halis u yahay qof oo uu joojin karo Kilyahiisa, isla markaana keeni karo dhimasho. Cudurkan ayaa la sheegay in habka la isku qaadsiiyo ay tahay in dadku isu gudbin karaan, gaar ahaan dhanka hawada, isla markaana uu qofku qaadi karo haduu meel kula noolaado ama la joogo saacado badan qof cudurkaasi qaba.

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain