Madaxa Nabadsugidda Qatar Oo kamid ahaa dadkii Lagu Dilay Qaraxii KM4 ee Muqdisho!

Ninka ugu Awooda badan oo haya Xilka Amniyaadka, islamarkaasna ah Madaxa Hayadda Nabadsugidda Dowladda Qatar ayaa lagu dilay Muqdisho

Warbixino ay Qoreen Wargeysyo farabadan oo aan aheyn kaliya kuwa Dalalka Carabta ayaa sheegaya in uu Madaxa Hay'adda Nabadsugidda Qadar Jeneraal Ahmed Bin Naasir Bin Jaasim Al-Thani uu ku Geeriyooday Qarax lala Beegsaday Gaari u saarnaa, isagoo maraya Wadadda KM 4 ( ama Lambar Afar) ee Muqdisho.

Qaraxauu ku Geeriooday Madaxda Nabadsugida Qatar,mudane Ahmed Bin Nasir Bin Jasim Al-Thani waxuu dhacay Aroornimadii Axadda Bishuna ahayd 5 May 2013.

Weerarkaan Al-Shabaab ay ka geesteen magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yimaaday xili magaalada ay ka socdeen Howlgalo isla markaana Ciidamada amaanka ay xireen Wadooyinka Muqdisho, waxaana Muqdisho ku sugnaa wafdi ka socday wadanka Qadar.

Shabakada Baargaal.net
Developed by Jago Desain