Nabadoona ka horyimid Eedayntii loo jeediyay Cade Muuse

Wararka ka imaanaya Magaalada Qardho ee Xarunta Gobalka Kar kaar ayaa
sheegaya in tira Nabadoona ah oo xalay kulan kuyeeshay Magaalada
Qardho ka soo saareen qodobo ay ku dhaleeceenayaan hadal ka soo yeeray
Maamulka Puntland .


Nabadoonadaa ayaa sheegay in waxa laga xumaado tahay hadalada aan loo
meeldayin ee wax loogu dhimay Madaxwaynihii hore ee Puntland Maxamuud
Muuse Xirse Cade ka oo lugu eedeeyay dagaal oge waxana hadalkaa ku
tilmaameen Nabadoonadaa mid dhibaata keeni kara .


Odayaasha ayaa sheegay in Puntland loo baahan yahay in la bad baadiyo
laakiin aan loo baahnayn in wax muuqda la iska indho tiri waxa ayna
sheegen Cade Muuse in uu yahay oday reer Puntland ah oo Nabada jacayl.


Qaar ka mid ah nabadoonadaa ayaa tilmaamay in Cade muuse oo ahaan
jiray Madaxwaynihii ka horeeyay Farole uu si nabad ah xilka uga degay
2009 bishii janaayo laakiin Madaxwayne Fraole ayay ku eedeeyeen in uu
ku fara adeegayo hogaanka Puntland .


Waxa ay sheegeen Cade muuse in uusan wax lug ah ku lahayn arimaha jaha
wareersan ee ka jira Puntland waxa ayna u soo jeediyeen Wasiirka
Warfaafinta Puntland oo hadalkaan ka soo yeeray mid uu ku deg degay
loogana fadhiyo in raali galin ka bixiyo .


Ugu danbayntii ayay sheegen in Nabadoonada Puntland aan laga siinwax
tixgalin ah hayeeshee waxa ay sheegeen in ay qaadan doonaan tilaabada
ku haboon ee lugu bad baadinayo jiritaanka Puntland waxa ayna
Xukuumada haatan jirta u jeediyeen in cadaalada dhoorto iyo
xasiloonida Puntland.

Shabakada baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain