Posts

Shirkii london oo lasoo Gabgabeeyay

Waxaa lasoo gabgabeeyay shirkii London ee looga hadlayay horumarinta Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in goor-dhow ay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo ra'iisul wasaaraha Britain, David Cameron ay saxaafadda usoo bandhigaan warmutiyeedkii shirka kasoo baxay.

Ra'iisul wasaaraha UK, Cameron ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli ka jirto rajo wanaagsan, isagoo beesha caalamka ka dalbaday in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay kaga bixi lahayd dhibaatada dabada-dheeraatay.

Cameron ayaa sheegay in dhibaatada ku dhacday Soomaaliya ay ku timid khalad ay beesha caalamku horay u gashay, xilliganna aan loo baahnayn in dib loogu laabtokhaladkaas oo kale, isagoo sheegay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox argagaxiso ah.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Britainayaa intii uu shirku socday sheegay in dowladdiisu ay ku yaboohayso lacag gaaraysa 50-milyan oo doollar si wax looga qabto ammaan-darrada, iyadoo 15-milyan oo lacagtaas ka mid ah loo adeegsan doono dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Dalka Mareykanka ayaa ku yaboohay 40-milyan oo doollar, Denmark ayaa ku yaboohay 75-milyan oo doollar, Turkiga ayaa ku yaboohay 10-milyan oo dollar, Qatar ayaa ku yahoobday 18-milyan oo doollar iyo dalal kale oo iyaguna dhaqaale ku yaboohay. dhaqaalahanayaa loogu talogalay wax ka qabashada amniga, cadaaladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay waxqabad hagar la'aan ah iyo iskaashi buuxa, isagoo dalbaday in dalalka dhaqaalaha badan ay Soomaaliya ay ku sameystaan maal-geshi si dhaqaalaha dalka dib loogu soo nooleeyo.
Xasan Sheekh, wuxuu carrabka ku adkeeyay in deggenaasho iyo xasillooni ka hirgasha Soomaaliya aydan ugu jirto dalalka ku yaalla bariga Afirka iyo caalamka oo dhan, isagoo dalbaday in dowladdiisa laga gacan-siiyo sidii ay ku adkeyn lahaydammaanka.
Qodobbadii shirkii London ayaa ayaawaxay kala ahaayeen, ammaanka, cadaaladda iyo maaliyadda, iyadoo dalalka shirka kasoo qaybgalayqaarka mid ah ay ammaaneen horumarka ka socda Soomaaliya.

Shabakada Baargaal.net
Nagala soo xiriir
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain