Subxaanalaaah: Nin baa soo iibsaday Timirtan, wuxuuna ku arkay Mucjisadan!! (Nala Arag akhristoow)

Muwaadin Sudan u dhashay ayaa Timir nooca Balaxa loo yaqaan oo uusoo iibsaday wuxuu ka dhex helay Hal xabo oo Timirtaas ah, taasi oo dusheeda uu ku qoranyahay Magaca sareeynta wata ee Ilaahay SWT.

Wargeys lagu magacaabo Aakhir Laxzah oo kasoo baxa Sudan ayaa faafiyay Sawirada Timirta uu Magaca alle ee (Allaah) ku qoranyahay.Ninka Timirta helay ayaa Wargeyskau sheegay inuu kasoo iibsaday Dukaan, dabadeedna uu tagay Maqaaxi ku taala Um-Darmaan, halkaas oo uu bilaabay inuu Timirtii ugu qaybiyo Dadkii fadhiyay goobta, isaguna wuxuu reebtay Shan xabo oo Timirta ka mid ah si uu u cuno. Balse markii uu Timirtii 5-aad ee ugudambeysay cunisteeda bilaabay ayuu si lama filaan ah u arkay Magaca Ilaahay oo Timirta ku dul qoran.

Wuxuuna bilaabay inuu ku celceliyo Subxaanalaaaah Subxaanalaaaaaah!!

Baargaal.net
Developed by Jago Desain